Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog hoose– RW Cumar iyo Madaxweyne Xasan oo Xalay khadka teleefoonka uga wada hadley natiijadii Kulankii Garowe iyo RW Cumar oo mar kale dalbadey in dib loogu laabto wadahadalkii..

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Warar rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa xaqiijinaya in Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid iyo Madaxweyne Xasan Sheikh ay xalay in mudo ah ku sheekaysanayeen khadka teleefoonka iyagoo ka wada xaajoodey Wadahadaladii Garowe uga socdey Raysal wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ee burburay.

Inkastoo aan si hubaal ah loo heyn nooca Wadahadalka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha hadana waxaa loo badinayaa in Teleefoonkaas uu sabab u ahaa in uu Raysal wasaaruhu dalbado in miiska Wadahadalka lagu soo laabto oo uu isla markaasna uu dib u dhigay safar nasasho iyo booqasho ah oo saaka uu Raysal wasaaruhu ku tagi lahaa Qardho, Waxaana loo badinayaa in Raysal wasaaruhu uu Qardho aado Caawa ama beri.

Puntland iyo Jubbaland waxay Wadahadalka ku istaageen go’aan adag oo ay geed dheer la fuuleen, ayna ku adkaatey in Raysal wasaaruhu uu kasoo dajiyey Gaas iyo Axmed geedkaas dheer ee ay fuuleen, Marka ma dhici kartaa in Madaxweyne Xasan iyo Raysal wasaare Cumar ay ka tashadeen sidii geedkaas dheer loogasoo dajin lahaa labada Madaxweyne Gaas iyo Axmed Madoobe.

Baaritaan kooban oo Warbaahinta Puntlandi iyo ururo Rayid ah ay wada sameeyeen ayaa lagu ogaadey in Shacabka Puntland iyo Jubaland ay aad ugu qanacsana yihiin Go’aanka ay qaateen Madaxda Jubaland iyo Puntland, waxayna Shacabku si buuxda u taageereen qodobada ay ku adkeysteen Jubbaland iyo Puntland.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles