Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Wadahadaladii Garowe ee maanta natiijo la’aan ku dhamaadey,caawo oo aan dib la isugu soo laaban iyo Sharmaarke oo Qardho ku wajahan.

$
0
0

Wadahadalada Garowe uga socda Ra’iisul wasaaraha Dowlada Federaalka, Jubbaland iyo Puntland ayaa markii labaad kusoo idlaadey Natiijo la’aan, waxaana galabta lagu kala tagay kulan caawo loo balan sanaa.

Laakiin xiligaan hada la joogo oo ah abaarihii 22:30 fiidnimo saacada Garowe wax yididiilo shireed ah kama jiraan Garowe oo illaa hada la isuma imaan waxayna u muuqataa in saas lagu kala tagay.

Maanta waxaa dib loogu noqdey Qodobadii shalay la isku mari waayay, sida Puntlandi Xogta ku heleen Madaxweynaha Puntland wuxuu hadalka kusoo gabagabeeyey oo kusoo gaabshey “Wax aan ahayn Go’aankii Baarlamaanka Puntland gaarey oo aan idiin hayo ma jirto, Ra’iisul wasaare fuliyay qodobada ay Xildhibaanada Puntlan soo jeedsheen, Dastuurkii rasmiga ahaa oo aan anigu markaan Booskaaga joogay aan wax ka saxiixey iyo wixii kaas lagu sameeyey oo isaga waafaqsan sida Jubaland iyo Koonfur Galbeed waad noola imaan kartaan Wixii dastuurkaas ka baxsan kaa yeeli mayno inaan aqoonsano.”.

Iskusoo duuboo Caawa la iskuma soo noqon, berina Ra’iisul wasaaraha iyo Wafdigiisa  waxay aadayaan Magaalada Qardho oo horey loogu casumay,ka dibna wuxuu dib ugu noqon doona Qardho.

Puntlandi.com
GAROWE


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles