Shir ay wada jir usoo qaban qaabiyeen Qaramada Midoobey iyo Midowga yurub laguna casumay Siyaasiyiin ruug cadaa ah oo Soomaaliyeed ayaa ka bilowdey Adis ababa.
Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya mudane Cali Maxamed Geedi oo uu weheliyo Cabdiraxmaana Baadiyow ayaa Axadii ka dhoofey Nairobi iyadoo labadaan Masuul lagu casumay Kulanka, waxaa iyana lagu casumay sida aan warka ku heyno Porof. gaas, Prof. Galayr , Cumar Cabdirshiid, Farmaajo iyo Siyaasiyiin kale.
Wararka aan ka heleyno Adis Abeba waxay hada sheegayaan in kulanku uu yahay mid looga hadlayo Barnaamijka New Deal ee Shirka Midowga Yurub u qabanayaan Soomaaliya.
Waxaa kaloo nagu maqaalo ah in Dowlada Federaalka ah aan lagala tashan shirkaan, waxna kama ay oga.
wixii soo kordha kala soco puntlandi.com