Galabta sidii la sugayay Waxaa Garowe soo gaaray Wafdi uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake, Raysal wasaaraha Waxaa la socda oo qura wax wasiiro ah Wasiirka Dastuurka Xukuumada Federaalka Xuseen Maxamuud Sheikh Xasan iyo Wasiirku Xigeenka Maaliyada Xukuumada Federaalka Maxamuud Xayir Ibraahim, Dhinaca Baarlamaanka Federaalka waxaa kala socda Xildhibaan Cabdi Bare Yuusuf, Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf, Xildhibasn Cabdiwahaab Igaas, Xildhibaan Yassiin CabdiSeed iyo Xildhibaan Farax Cawad.
Waxaa horey Garowe u joogey Wafdigii Jubbaland ee hogaaminayay Madaxweyne Axmed Madoobe,waxaana Wafdiga Ra’iisul wasaaruhu markay muqdisho kasoo duuleen kusoo hakadeen Magaalada Cadaado.
Hada waxaa Madaxtooyada ka socda Kulan guud oo loo wada dhan yahay laakiin beri subax hadii Alla idmo waxaa lagu balansan yahay kulan albaabadu u xiran yahay oo sadex geesood ah kaasoo ay wada yeelan doonaan Sadexda Masuul oo qura, waa Raysal wasaaraha iyo labada Madaxweyn ee Puntland iyo Jubbaland.
Xogta ay Puntlandi ka heleen kulanka beri saddex geesoodka ah waxaa Ra’iisul Wasaaraha wax laga waydiinayaa wuxuu kala socdo Dastuurka ay jabiyeen Dawalda Federaalka, maamulka aan Sharciga
ahayn ee laga dhisay Cadaado iyo Qorshaha Xukuumadiisu ay u diyaarisay
Barnaamijka Hiigsiga 2016-ka.
Wixi soo kordha kala soco www.Puntlandi.com
Puntlandi.com
Garowe