Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas iyo Madaxweyn Axmed Madoobe oo wali kulamo gaara u socdaan iyo RW Cumar oo Garowe looga yeerey si Deg Deg ah..

$
0
0

gaas iyo madoobeMadaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland Cabdiwali M Gaas iyo Axmed M Islaam oo kulamo gaara uga socdaan Garowe ayaa dhinaca kale waxay dalbadeen inuu Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid uu soo gaaro Garowe.

Warar hoose oo Holwadeenada Puntlandi ee arimaha Siyaasada ay heleen waxay sheegayaan in kulamada labada Madaxweyne oo uu weheliyo Madaxweyne Xigeenka Puntland Ing. Camay ay yihiin kuwo aad xasaasi u ah oo looga arinsanayo arimo saameyn wayn ku yeelanaya Mustaqbalka Soomaaliya.

Waxayna sugayaan Raysal wasaaraha, Markaas ayay guda galayaan wadahadalada rasmiga ah, sida aan xogta ku helney Raysal wasaaraha waxaa loogu yeeray wada tashi iyo in dhankiisa wax laga weydiiyo inta uu ka ogyahay ku xadgudubka Dastuurka iyo marin habaabinta lagu wado nidaamkii Soomaali ku heshiisey.

Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid Cali Sharmaake waxaa la filayaa inuu beri ama ugu dambeyn Talaadada uu soo gaaro Garowe.

Waxaa iyana jira warar kale oo sheegaya in ay Raysal wasaaraha soo raaci doonaan qaar ka mid ah Xildhibaanada Federaalka.

Puntlandi.com
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles