Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah:-Puntlandi oo helay xog ku saabsan kulankii Cadaado uu Galabta ku tagay Raysal wasaare Cumar

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirshiid ayaa safarkiisii maanta uu Garowe kusoo aaday ka hor wuxuu kusoo hakadey Magaalada Cadaado ka dib markii Wasiirkii hore ee Amniga Cabdikariin Xuseen oo shirkii Cadaado Madaxweynaha loogu doortay uu ka cadsadey Ra’iisul  wasaaraha inuu cagta soo mariyo intuusan Garowe gaarin.

Sida ay Puntlandi xogta rasmiga ah ku heleen Cabdikariin Xuseen Guuleed wuxuu Ra’iisul  wasaaraha u dhiibay fariin ku socota Puntland.

Fariintaasoo ah in Maamulkii cadaado lagu dhisay ee isagu hogaamiyaha loogu doortay Dastuurkii loo sameeyay uu khalad weyn ku jirey , khaladkaasoo ku saabsan Xuduuda ay la wadaagaan Puntland.

Cabdikariin wuxuu yiri “..Waxaan shaqsiyan ka xumahay in Dastuur noocaas ah aan yeelano, waxaan diyaar u nahay inaan Badalno Dastuurka oo xuduudayadu waa Koonfurta Mudug dhinaca Puntland, Waa khaalad farsamo, waxaan codsaneynaa wada shaqayn iyo talo”.

Sida aan xogta ku helney Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Mas’uuliyiinta Cadaado u sheegay inuu fariintaas gaarsiin doono Puntland.

Waxaa kaloo Qolyaha Cadaado loo sheegay in Arrintu aysan ahayn Wax ku saabsan xuduuda ay ka hadlayaan iyo Dastuurkooda laakiin arinta Puntland ka hadleyso ay tahay Dastuurka Federaalka oo lagu tuntay.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu Cadaado joogey 35 daqiiqo ka dib wuxuu sii watay safarkiisii Garowe oo galabta uu gaaray.

Puntlandi
Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles