Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ururka SAHAL oo soo saarey Warsaxaafadeed uu uga hadlayo xaalada Soomaaliya gashay

$
0
0


SAHAL-ORG1
Assalamu Alaikum Waraxmatullahi Wabarakatuhu:

U: Maamulka Dowladda Punt land

KU: Maamulka Dowladda Jubba land State of Somalia

KU: Xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia (UNPOS)

KU: Ugur Goboleedka IGAD

KU: Ururka Midowga Africa (AU)

KU : Ururka Midowaga Yurub ( European Union)

KU : Jaaliyadaha Soomaaliyeed

Mudayaal,

Waxaa manta oo ay taariikhdu tahay 12/07/2015, Ururka Sahal  uu soo saarayaa Warsaxaafadeedkan ujeeddadiisu tahay, sidii looga hortagi lahaa arrimahan hoose

1) Ururka Sahal waxa uu ka digayaa Dhibaatada Dowladda Federalka Somaliyeed ay horboodayso iyo siyaasadaha gurracan ee lagu marin habaabinayo Umadda Somaliyeed.

2) Ururka Sahal waxaa uu ka digayaa, siyaasadda ay DFS ku doonayso inay dib u sooceliso dagaalkii Jahliga ahaa 1991 ka dhacay Soakliya,  ee dhibtiisu illaa maantan aysan kasoo kaban umadda Somaliyeed.

3) Ururka Sahal waxa uu ka digayaa  Colaad Sokeeye, Barakicin iyo Duulaan Coleed.

4) Siyaasaddan ay DFS ku maamulayso Somalia, waxay khatar ku tahay dhammaan gayiga Somaliyeed.

5) Ururka Sahal waxa uu ka digayaa Deegaanno Nabad ahi in Colaad lagu bilaabo, colaaddaasoo ay DFS Mas’uuliyaddeeda ay leedahay.

6) Ururka Sahal, marnaba aqbali maayo, in sidii larabo laga yeelo Qaanuunka Dalka u yaal, DFS waxay si ula kac ahi u baalmartay dastuurkii dalka u yiilay, iyada oo aan wax tixgalin ahi siinin maamulada dalka ka jira.sidaasi darted  waa xaaraan in umadda lagu qasbo, laguna dhibaateyo waxysan xaq u lahayn.

5) Ururka Sahal waxaa uu beesha caalamka u gudbinayaa, in sida uGu dhaqsiyaha badan oo wada jir ahi  looga wada hortago daruurta colaadeed iyo Buunka Colaadeed ee ay Dowladda Federalka Somalia, oo uu Garwadeenka ka yahay Madaxweyne Hassan Sheikh Mohamoud hormuudka u yahay afuufayaan.

 Talo Soo Jeedin:

ÅUrurka Sahal waxa uu soo jeedinayaa talooyinka hoose;

1) In Sida ugu dhaqsiyaha badan, Maamulada Punt Land , Jubba Land IWM ay ugu istaagaan sidii loo badbaadin lahaa umadda Soomaaliyeed.

2) In sida ugu dhaqsiyaha badan Beesha Caalamku loogu wargasho sidii la’isagu keeni lahaa Umadda Somjaliyeed, oo loogu qaban lahaa Shirwayne dib u heshiineed, kaasoo loogu baaqayo besha caalamka inay marti galiso, shirkaasuna uu ka dhaco meel Somalia ka baxsan.

3) Beesha Calamka waxaan u caddaynaynaa in uussan jirin Gole Shacab (Parliament), baddalkeedu uu golaga issu badalay aqal lagu kala iibsado sharafta umadda.

4) Waxaannu caddaynaynaa, inaysan suuragal ahayn sidii Doorashop xor ahi oga dhici lahayd Somaliya, sidaas darted waxaa lama huraan ahi in Somaliya shirweyne dib u heshiineed looqabto ( Reconciliation Conference), si Somali loo badbaadsho.

5) Uurka Sahal waxa uu ugu baaqayaa Taageerayaashiisu meelkasta oo ay joogaanba , inay u istaagaan, difaaca dhulkooda, Ilaalinta Sharaftooda iyo Xudduuddooda.

6) Waxa uu ururka Sahal ku baaqayaa, bacda Ramadan, in Mudaaharaad looga soo horjeedo DFS uu ka dhacaa meelkasta oo Xubnaha Ururka iyo taageerayaashooda ay joogaan.

7) Ugu dambayntii, haddii la waayo Somalinimo, iyo is ixtiraamid, Ururka Sahal mar kale ma xeerin doono Somalinimada.

Mahadsanidin

Ururka Sahal – Ilaaliyaha Sharafta Umadda iyo Dalka.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles