Hordhac
Xaqiiqda waxay u dhaqmaan qaab Calooshood u shaqaysnimo iyo sida Maafiyada, Waxay Shacabkooda u adeegsadaan oo ka dhigtaan wado ay Shilin ku helaan, halkay u nixi lahaayeen oo ay uga tagi lahaayeen Mustaqbal wanaagsan jiilkooda soo socda, Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa “Nin tiisa daryeelaa baa tu kale ku dara” oraah kalena waxay oroneysaa ” Ninkaad kabaha ka toloneyso,kabihiisaa fiirshaa”,.
Maalinba olole cusub bay shacabkooda ugu kaba galiyaan, Waan wada xasuusanaa, Xukuumadii Madaxweyne Cabdullaahi Yusuf AUN,ololihii ka dhanka ahaa Itoobiya ee ay shacabkooda ku kiciyeen iyo halku dhagii ahaa Itoobiya waa Cadow iyo Diintey kasoo horjeedaa, Xishood la’aanta jirta bal eeg, shirkii Cadaado ka dhacay waxay kooxdii soo abaabushey ay AMISOM ka codaseed In Itoobiya oo qura ay amaankooda Illaaliso ..Amakaak aduun.
Kenya Badey xadeysaa oo waxay u socotaa dhul balaarsi,Erayadaan iyana waxay ahaayeen ololihii Amaanka loogu diidanaa isla markaasna ka dhanka ahaa Jubaland ileyn ma rabaan in cid wax qabsatee
DULUCDA
Waxaa wax badan dhagahayga ku soo dhacayay, dabcan 25 kii sano ee la soo dhaafay aad baa loo hadal hayay Oraahdaas, wuxuuna hadalkaas oronayaa , Soomaaliya dhib baa ka jira , Soomaaliya waa Dalka kowaad ee aduunka ugu amaanka xun, ajnabigu wuxuu noogu yeeraa… Somalia is the most failed state in the world .
Laakiin Xaqiiqdda jirtaa waxay tahay oo aan cidna daah ka saareyn in ay qayb yar oo Soomaaliya ka mid ah ay amaan xumadaas ka jirto amaba ay ka jirtay 25 kii sano ee lasoo dhaafay, waana tan maanta u baahan in miiska lasoo saaro, oo laga wada hadlo mustaqbalka Dalka iyo Sababta keentay in Soomaali ay Caalamku ugu tilmaamaan Dal burbursan oo jaha wareer ka jiro, iyadoo aynu wada ogsoonahay sababta iyo meesha LAFTU ka qurunsantahay oo ah meeshii Soomaali ay ka dhigatay Caasimada,oo Dad aan waxba rabin ay hooy iyaga ugaara ka dhigteen. halkaasna kasoo abaabulaad fidmo ka dhan ah Soomaalida waxqabsaneysa ileyn hadii Soomaalidii kale tashatay waxaa imaaneysa su’aasha ah “war kuwaan maxay wax u qabsan waayeen, taasina waxay banaanka soo dhigeysaa ceebtooda.
Hadaan isku dayo sababta ugu wayn ee xaqiiqdana ah ee ka jirta Qaybtaas ka midka ah Koonfurta Soomaaliya, waxaa weeye iyadoo Caasimadii Dalka ee Muqdisho ahayd ay Siyaasiyiinta gacanta ku hayay ama usoo kaca Deegaanadaas ay yihiin kuwo aanba fahan saneyn Macnaha Siyaasigu yahay, Shacabkana waxay ka dhigtaan Badeeco la suuq geeyo oo waxoogaa shillimaad ah lagu raadsado.
Waxaan la yaabay oo aan wali xasuustaa Eray maalin uu igu yiri Nin wayn oo Xildhibaan Sheeganaya, Xiligaas Nairobi ayaan wada joognay, Waxaan ka sheekaysanaynay oo markaas saxaafada gudaha iyo tan dibaduba hadal hayeen Dadka Masaakiinta ah ee Bay iyo Bakool kasoo Qaxay oo xiligaas Muqdisho lagu dhibaataynayay, oo intii Xeryo loo samaystay ka dibna sidii Xoolaha lagusoo xereeyey qori AK47 ahna lala hor istaagay, Wuxuu Xildhibaankii hadalka kusoo gabagabeeyey “Aaryaa Xaa la iska qaadayaa”.
Nin baa horey u yiri ” War ma anaa waalan mise Cadan baa laga heesayaa.
Kooxaha Muqdisho ku xeraysan ee run ahaantii doonaya iney Soomaaliya u afduubnaato iyagoo adeegsanaya Shacabka Soomaaliyeed ee xigtada iyaga u ah, Isagana dhigaya Siyaasiyiin iyaga danahooda ka shaqaynaya waxay hada marayaan heer aan loosii dulqaadan karin, Caalamka iyo Soomaalidii kalena quus bay ka taagan yihiin.
Aqoonyahan Faysal Rooble ayaa isna horey u yiri ” Nin sariir dheer ku hurda oo Muqdisho jooga ayaa wuxuu doonayaa inuu u taliyo nin Soomaaliya oo uu san ka warqabin wuxuu ku sugan yahay.
Waxaan kusoo gabagabeynayaa, Adeer Dal Dastuurkiisa hadii lagu tunto Dalkaas wuxuu ku dambeeyaa Jahawareer, waana tan ugu weyn ee na heysata, Puntland waxay illaalineysaa oo leedahay war Dastuurka hala illaasho ileyn inagoon kawada hadlin dhibkii Soomaaliya soo maray baynu waxaynu ku heshiiney DASTUURKAAN.
Hoos ka Daawo xaqiiqda uu Faysal rooble ka hadlay.
Waxaa Qoray Xuseen Dheere
QARDHO-PUNTLAND