Afhayeenka Puntland abdullaahi maxamed jaamac quraanjecel ayaa galabta wuxuu saxaafada usoo bandhigey Wareegto uu Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali Gaas uu maanta ku kala direy inta badan Wasiiradiisii uuna ku magacaabey Wasiiro cusub tasoo qayb ka ah isbadal ka uu Madaxweynuhu horey ugu dhawaaqay.
Hadaba waxaa Puntlandi u suura gashey inaan dib u jaleecno Magacyada Wasiirada Booska baneeyey, Kuwa la isku badalay iyo inta aan xogtoodada helney Wajiyada cusub ee ku soo biiray saaxada siyaasada.
Liiskaan hoose waa Wasiiradii Xilkooda waayay.
1– Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirkii Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta
2–Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirkii Wasaaradda Amniga
3– Sahra Axmed Nuur Wasiirkii Wasaarada Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda (Horay ayay Marwo Sahro Ay Madaxweynaha uga codsatay in xilka laga qaado Arimo iyada ugaara awgeed)
4– Cali Axmed Faatax Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah
5– Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirkii Wasaaradda Xaanada xoolaha
6–Cali Xaaji Warsame Wasiirkii Wasaaradda Waxbarashada
7–Dr.Saadiq Eenow Wasiirkii Wasaaradda Caaafimaadka
8–Guuleed Saalax barre Wasiirkii Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta
9–Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirkii Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka
Wasiirada ka badbaadey Isbadalka Golaha Wasiirada
Golaha Wasiirada cusub kasokow Waxaa jira Wasiiro wasaaradahoodii laga qaadey oo Wasaarad kale loo dhiibey oo ay kamid yihiin.
1– Wasiirkii Maaliyada Shire Xaaji Farax oo horey u ahaa Wasiirkii Maaliyada wuxuu hada noqdey Wasiirka Xiriirka Caalamiga iyo Qorsheynta.
2-3– Wasiirkii Warfaafinta Cabdiwali Xirse Cabdulle Indha-Guran iyo Wasiirkii Ganacsiga Maxamuud Xasan Soo-cade Xilka ayaa loo kala wareejoyey oo Mr.Soo’cade wuxuu noqdey Wasiirka Warfaafinta
4– Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Waxaa loo daayay wasaaradiisii oo ahayd Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose
5–Cabdirashiid Maxamed Xirsi Waxaa loo daayay Wasaaradiisii Hawlaha Guud
6– Xasan Xaaji Siciid Xasan Waxaa loo daayay Wasaaradiisii Duulista Hawada & Garoomada
7–Wasaarads Shaqada iyo Shaqaalaha waxaa loodayay Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle.
8–Wasaarada Dekedaha iyo Gaadiidka Badda waxaa loo daayay Cabdullaahi Jaamac Saalax.
9– Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasaaradeedii oo ahayd Haweenka iyo arrimaha qoyska ayaa loo daayay.
10– Cabdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) waxaa loo daayay Wasaaradiisii kaluumeysiga iyo kehyraadka badda
Wajiyada Cusub
Gudoomiyihii hore ee Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali Qarjab wuxuu kusoo biiray Golaha Wasiirada wuxuu noqdey Wasiirka Amniga.
Wasiirka cusub ee Wasaarada Waxbarashada Abshir Aw-Yuusuf Ciise waa profosor wax ka dhigi jirey Jaamacadii Lafoole wuxuuna ka mid ahaa aqoonyahanadii u ololeynayay dhismaha Jaamcada Maakhir.
Wajiyada kale ee ku cusub Golaha Wasiirada ee Xukuumada Madaxweyne Gaas waan idiinsoo gudbin doonaa faahfaahintooda.
Puntlandi.com
Bosaso