Wasiirkii hore ee Caafimaadka Dowlada Puntland Dr. Saadiq Eenow ayaa soo dhaweeyey isbadalka uu Madaxweyne Gaas ku sameeyey Xukuumada.
Warsaxaafadeed kooban oo Dr.Saadiq ee now ku soo dhaweynayo Xukuumada ayaa u qoraa sidaan..
“waxaan halkaan ku caddeynayaa inaan soo dhoweynayo go´aankii madaxweyne Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ee xil-wareejinta ahaa. Xil-heynta maamulka dowladda laguma helo dhaxal ee waa meerto u dhexeysa dadka ay dowladdaasi ka dhexeyso. Madaxweynaha iyo Golihiisa cusub waxaan u rajeynayaa in Eebe u fudueeyo xilka dusha ka saaran.”
Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa shalay wuxuu Isbadal balaaran uu ku sameeyey Xukuumada iyadoo ay xilka waayeen Wasiiro ay ka mid yihiin Saadiq Eenow Wasiirkii Caafaafka, Cali Xaaji Warsame Wasiirkii Waxbarashada iyo Cali Axmed Faatax Wasiirkii Xiriirka Caalamka.
Puntlandi.com