Annagoo ah Janan Maxammad Abshir Muussa Mataan, walaalkey Cabdi Iidle Shuuriye, Xirsi Bulxan Faarax iyo ilmahayga, annagoo ka xun geeridii naxdinta, murugada, iyo tiiraanyada lahayd ee ku timid adeerkey Marxuum Diiriye Muusse Mattaan. Allaah ha u naxariistee Marxuumka, Adeerkey, oo ahaan jiray, Mas’uul qarran, Xildhibaan dawladii Allaha u naxariisto-e Madaxweyne Cabdulrashid Cali Sharmaarke. Diiriye Muusse Mattaan waxa uu ahaa ruux ku dadaala aadna u jecel horumarka bulshada, nabadgalyadda iyo xassiloonidda dadka iyo dalka Soomaaliyeed. Sidoo kale Marxuumku waxa uu ahaa odey dalka Soomaaliya guud ahaan aad looga ixtiraamo gaar ahaana mandiqadda uu u dhashay.
Waxaan ugu ducaynayaa in Eebbe geeyo Jannatula Fardowsa, Afadii, ilmihii uu ka tegey, guud ahaan qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
Aammiin INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN