Jeb Bush oo horey u ahaa Gudoomiyaha Gobolka Florida ee Dalka maraykanka isla markaasna la dhashey Madaxweynihii hore George W. Bush ayaa shalay 15.06.2015 wuxuu shaaciyey inuu Xisbiga Republikanka ugu sharaxan yahay inuu ka noqdo Madaxweynaha Maraykanka.
Jeb Bush wuxuu shaaca ka qaadey inuu isagoo ku kalsoon shacabka Maraykanka uu guul ka gaari doono Doorashada soo socota uuna ka guuleysan doono Musharaxa ay soo bandhigi doonaan Xisbiga hada talada haya ee Dimoquraadoga.
Jeb wuxuu kasoo jeedaa Qoyska Reer George Herbert Walker Bush oo caanka ah siyaasada Maraykanka, aabohood George Herbert Walker Bush wuxuu soo noqdey Madaxweynihii 41aad sanadihii 1989 ilaa 1993.
Walaalkiis ugu Wayn Jr George W Busk isla markaasna ah Jeb walaalkiis wuxuu soo noqdey Gudoomiyaha Gobolka Taxes iyo Madaxweynihii 43aad ee Dalka Maraykanka sanadihii 2001 ilaa 2009, Madaxweyne George wuxuu caan ku noqdey Dagaalkii Golf ka ee uu Dagaalka Galiyey Maraykanka xili shakiyo badan laga qabay inuu Maraykanka galiyey dagaal ku salaysan Been abuur.
Dad badan oo Maraykan ah ayaa ka aamin baxay siyaasada Reer Bush Dagaalkii Ciraaq ka dib tasoo soyaasiyiin badan aamin san yihiin iney waxyeeli doonto ololaha Doorashada ee Jeb Bush marka lagaaro doorashada soo socota.
Puntlandi.com
USA