Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Agaasimaha La Dagaalanka Burcad Badeedka iyo Safiirka Dawladda Shiinaha u fadhiya Somaliya oo Kulan wada qaatay

$
0
0

Agaasimaha Guud ee la dagallanka Burcad-badeedda dawladda Puntland, isla markaana ah guddoomiye xigeenka Guddiga Qaranaka ee Xiriirka Badaha (Deputy Chair of National Maritime Coordination Committee), mudane Abdirizak Mohamed Diriri (Ducaysane) iyo Safiirka dawladda Shiinaha u fadhiya Somaliya, Mudane Wei Hongtian ayaa saaka kulan qaatay muddo saacad ah ku wada yeeshay xarunta UNSOM ee Garowe, Puntland.

Safiirka oo booqasho laba cisho ah ku joogay Puntland, ayaa saaka kulanka uu la yeeshay Agaasimaha guud ee la dagaallanka Burcad-badeedda, waxay ku lafa-gureen arimo la xiriira burcad-badeedda, kalluumaysiga Sharci-darrada ah iyo guud ahaan amniga badda.

Inkastoo wax maraakiib ah oo la qabsaday aanay jirin tan iyo bishii May, 2012, haddaana waxaa jira tiro dad ah oo wali lagu haysto beriga, kuwaas oo shaqaale ka ahaa maraakiib horey loo qafaashay. Toban shaqaalaha maraakiibta ah, oo dhashay dalka Shiinaha ayaa ka mid ah kuwa wali lagu haysto beriga Somalia, sida uu noo xaqiijiyey mudane Ducaysane.

Ducaysane, ayaa u iftiimiyey dhibaatada kalluumaysiga sharci darrada ahi ku hayaan urcad-xeebaheena, taas oo sabai karta ina ay soo laabato aafadii burcad-badeednimadu, haddii aanay beesha caalamka wax ka qaban masiibada kalluumaysiga sharci darrada ah (IUU).

Kulanka Agasimaha iyo Safiirka ayaa dhammaadan wanaag iyo is-af-garad, kuna ballamay xiriir iyo wada shaqayn.

Ducaysane & HE Wai Hogtian

108

110

106

104


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles