Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Gobolka Doolo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya oo loogu baaqay iney ka qaybqaataan horumarinta Gobolka ayna maalgashadaan (Sawiro)

$
0
0

Siyaasiinta ka soo jeeda Gobolka Doollo ee Dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa baaq u diray,qurba joogta ka soo jeeda Gobolkaas Wardheer, baaqaas oo ku aadan inay ka qayb qataan hormarinta Gobolka Wardheer, iyo guud ahaan-baa dawlad deegaanka Soomaaida Itoobiya.

Xildhibaano siyaasiin iyo wax garadka Degmooyinka Gobolka Wardheer ee is maamulka Soomalida Itoobiya ayaa waxay baaq u dirayaan Qurba joogta,aqoonyahannada iyo Ganacsatada, u dhashay Gobolka Wardheer, inay ka qayb qataan hormarinta dhulkooda. xildhibaano iyo siyaasiin muddooyinkaan socdaal ku marayey Gobolka Wardheer ayaa waxay fariin u dirayaan qurba Jogta Gobolka Doollo.

Xildhibaano heer federal iyo heer Kilir ee laga soo doortay Gobolka wardheer gaar ahaan Degmooyinka Bookh Gallaadi iyo Centaraka), Qalloocaan, ayaa socdaal ku tagay halkaas ayaga oo deegaankaas kula shiray bulshada qaybaheeda kala duwaan si ay ugu kuur galaan una qimeeyaan baahiyaha degmooyinkaas ka jira.

Markaad eegto kaalinta Qurba joogta Deegaanka Soomalaida Itoobiy ay ka qaataan dib u dhiska iyo maalgashiga , waxaa meesha ka maqan waa Qurba joogta kasoo jeeda deegaanka Gobolka Doolo, waxa aloogu baaqayaa iyana ina ku daydaan Qurba joogta kale ee Dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Xildhibaanad Kaamil Ahmed Nuur,( Kaamil Goodamood) oo ah Xildhibaan heer Federala ayaa baaq u dirtay Qurba, joogta kasoo jeeda Gobolka Doollo ee magaallo madaxdiisi tahay Wardheer, waxay ugu baaqday inay dhulkooda maal gashi ku samaystaan kuna soo labtaan, oo ay is garab istagaan xukumadda iyo shacabku dadaalada ay wadaan ee ku aadan hormarinta dawlad deegaanka Soomaalida Ethioia, gar ahaana Gobolka doollo oo ay tiri waxaa meesha ka maqaan kaalintii Qurba jogta Gobolka u dhalatay.

Xildhibaanad Kaamil Ahmed Nuur, mar ay hadalkeeda sii watatay ayeey tiri maanta Waxaan qurba jogta Dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia u sheegaya inay leeyihiin dhul nabada oo ku naaloonaya hormar iyo xasiloni waxaana looga baahan yahay Qurba jogta inay ku soo labtaan dalkooda kuna samaystaan maal gashi iyo wax soo saar, oo ay tiri lama huraan waa cawska jiilaal,

Gaar ahaan waxay fariin u dirtay qurba jogta ku nool dalalka Yurub Maraykanka Carabaha, Australia iyo Southafrica, ee ka soo jeed Gobolka, inay ka qayb qataan harmarinta deegaanadooda, Xildhibanaad Kaamil Axmed Nuur ayaa tiri waddan ama deegaan ma hormaro haddii aan dadkiisi hormarin, waxaana jaaliyaddaha Gobolkaan wardheer u dhashay looga fadhiya ka qayb qadashada hormarka Gobolka iyo guud ahaan deegaanka,

Dhanka kalena Xildhibanada laga soo doortay Degmooyinka Gobolka wardheer oo ku Weheliyey socdaalka Xildhibanad Kaamil Axmed ay ku maraysay deeganada Gobolka Wardheer ayaa sheegay in loo baahan yahay in bulshadu iska kaashato hormarinteeda Gobolka,Dawladda kaliyana aysan wax qaban Karin haddii aan shacabkeedu waxa qabsan..

Waxaa waayahaan dambe dawlad deegaanka Soomaalida Ethiopia ka socday hormar aad u lixaad weyn iyo dadaalo ay wadaan xukumadda uu hogaamiyo Cabdi Maxmuud Cumar, iyo xisbiga Xisbiga Dimuqraadiga), Shacbiga Soomaalida Itoobiy, (XDSSI), waxaana jira barnaamijyo loogu magac daray dib u curashada, dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo hora loo soconaya, laguna doonaayo in lagu hormariyo deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Ugu dambayntiina siyaasiinta heer gobol heer kilil iyo heer Federal ayaa si wadda jira baaq ugu diraya dhammaan qurba jogta u dhalatay Gobolka Doollo ee dawlad deegaanka Soomalida Itoobiya, inay ka qayb qataan hormarka Gobolka, sidookalena ay Muhiim tahay in bulshadu isku xirnaato waxay sidookale siyaasiintaas, fariin u direen Tujaarta), iyo ganacsatada Gobolka Wardheer inay maal gashadaan Gobolka oo ah bay dheheen mid ku yaal goob istiraatiijiya kuna wanaag san ganacsiga..

11297707_520037981478133_653129785_n

11304079_520038001478131_222346806_n

11324043_520038111478120_1264172089_n

11350099_520037944811470_1983305504_n

11355645_520037958144802_810666334_n

11414571_520038141478117_1310325857_n

11418335_520037471478184_2001693436_n

11419879_520038024811462_1648553126_n

11419958_520038004811464_166421571_n

11421633_520037381478193_1250060039_n

11421652_520039734811291_860849888_n

11427898_520037991478132_1334530009_n

11428987_520037744811490_702066567_n

11536986_520037508144847_159824522_n

puntlandi@hotmail.com

{3}

{3}

{3}

{3}

{3}

{3}

{3}

Favorit

{3}

Favorit

{3}

{3}

{3}

{3}

ABDIWALI ADAN

Favorit

Guled muse

Favorit

asad keenadiid

Favorit

Khadar Jacfar

Favorit

mahamed ahmed

Favorit

Abdirizak Moalim

Favorit

ABDULRAHIM ABSHIR

Favorit

Ahmed Abdi Farah

Favorit

S M G

Favorit

Mohamed Aden Farah

Favorit

Aden Ali

Favorit

Skype

Messenger


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles