Jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Odense ee Dalka Denmark ayaa waxay lacag deeq ah u direen walaalahooda soomaaliyeed ee kasoo qaxaya dagaalada ka socda wadanka yemen gudi ka kooban 5 odey oo ka mid ah odayaasha soomaaliyeed ee dagan magaalada odense ayaa deeqdaas loo xilsaarey.
Waxayna lacag dhan 3400$(Sadex Kun iyo Afar boqol oo Dollar) u direen sheekh Daahir Aw-cabdi si uu ugaarsiiyo dadkaas kasoo qaxay dagaalada Yemen ee kusoo qulqulaya puntland.
Gudiga odayaasha Magaalada Odense ee arurinta dhaqaalahsan u Xilsaaraa waxay kala ahaayeen.
1.Cabdirasaq Cabdi Barqadle (labaale
2.Mahdi Mooge Jaamac
3.Sheekh Yuusuf Faarax Garcade
4.Cabdullaahi Ahmed Sheekh Xasan.
5.Dr. Maxamed Ibrahim Cabdi
Waxaan rajeynaynaa in dhamaan qurbo joogta soomaaliyeed meelkasta oo ay joogaanba ku daydaan dadaalka lagu caawinaya walaalahooda soo qaxaya.kuna daydaan jaaliyada soomaaliyeed ee ku nool Odensa Danmark.
Qaxootiga kasoo qaxay Yemen ee soo gaaray Soomaaliya ayaa 90% Waxay ku sugan yihiin Bosaso.
Puntlandi.cPuntlandi.com