Jaaliyada Puntland ee Magaalada Göteborg Dalka Sweden ayaa xaflad soo dhaweyn ah waxay u sameeyeen Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame oo Dalka Sweden u jooga howlo shaqo, Xaflada soo dhaweynta Wasiirka oo ay kasoo qaybgaleen Jaaliyada Sweden iyo Masuuliyiin ka socda Jaaliyadaha Puntland ee Candinavianka ayaa waxay dhacdey Xalay oo sabti ahayd 13 juun.
Wasiirka Waxbarashada Puntland Cali Xaaji Warsame ayaa Jaaliyada siiyey Warbixin guud oo ku saabsan Xaalada Soomaaliya, Wasiirku wuxuu kaloo Jaaliyada uga xogwaramey horumarka ka socda Puntland, Waxqabadkii Xukuumadooda musadii sanad iyo barka ahayd ee ay talada hayeen wixii u qabsoomay iyo qorshaha Mustaqbalka.
Jaaliyada Gudoomiyayaasha Jaaliyadaha Puntland ee Wadamada Scandinavianka oo uu weheliyo Wakiilka Dowlada Puntland ee Norway Wasiirka kula kulmey Hotelka uu deganaa