Waxaa Si rasmi ah shalay galab loosoo gabagabeeyey kulankii sadex geesoodka ahaa ee Dowlada Talyaanigu la lahayd Dowladaha Puntland iyo Jubaland.
Kulanka ayaa nuxurkiisu ahaa sidii sare loogu qaadi lahaa Xiriirka Soomaaliya iyo Talyaaniga.
Wasaarada Arimaha Dibada Talyaaniga oo shirka soo qabanqaabisey waxay sheegtey in Dowlada Talyaaniga ay diyaar u tahay isgarab taagista Soomaaliya, Xiligaana ay ka go’an tahay Dowlada Talyaaniga iney si dhab ah u taaheeraan Soomaaliya.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo qayb ka ahaa kulanka ayaa ka warbixiyey Xaalada Soomaaliya iyo sida shacabka Soomaaliyeed ay ka filayeen Dowlada Talyaaniga oo mudo qarni ku dhow saaxiib dhow la ahayd Soomaaliya.
Madaxweyne Xigeenka Dowlada Jubaland Cabdullaahi Shiekh Ismaaciil iyo Wasiirka Madaxtooyada Jubaland Cabdiqani Cabdi Jamac ayaa dhankooda ka warbixiyey Maamulka Jubaland iyo Xaaladihii lagu soo dhisey iyo hiigsigooda cusub.
Puntland/Jubaland iyo Talyaanigu waxay wada gaareen heshiis rasmi ah oo Dowlada Talyaanigu uga qaybqaadaneyso Dib u dhiska labadaan Maamul.
Wafdiga Puntland iyo Jubaland waxay si rasmi ah usoo gabagabeynayaan booqashada Talyaaniga Sabtida 9 bishaan.
Sawirada hoos ka daawo;-
Puntlandi Rome