Maanta oo ay Tariikhdu tahay 24/04/015 waxaa lagu marti qaaday Xaruunta Barlamanka ee wadanka Danmark Xildhibaan Abdibarre jibril oo dhawaanahaan booqashu kukala bixinayey waqooyiga yurub.
Xildhibaaanka ayaa wuxuu halkaas kula kulmay Mudanayaasha ka Tirsan galaha barlamanka Denmark.
MORTEN BODSKOV oo ka tirsan Xildhibaanada Denmark horayna u soo ahaan jirey Wasiirka Cadaaladda ayas si gaar ah ugu qaabilay xafiiskiisa.
Xildhibaan Cabdi Bare ayaa ugu horeyn uga mahad Celiyey Dowlada Denmark iyo guud ahaan Midowga Yurub taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo marti galinta Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Denmark.
Xildhibaanka ayaa dhinaca kale wuxuu ka waramay Xaalada Soomaaliya iyo hiigsiga 2016 isagoo ku dheeraadey kana warbixiyey Madasha Midnimadda iyo Dimoqoratiyadda ee ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah Xildhibaanada Soomaaliyeed uuna hagaamiyo Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Mudane Cabdiwali Sheikh Axmed.
Wuxuu aad ugu dheeraadey ujeedkii loo asaasay Madashaan iyo hadafka Siyaasadeed ee ay hiigsanayaan.
Xildhibaan Mortan Bodskov oo ka tirsan Baarlamaanka Denmark ayaa balan qaaday Taageridda shacabka soomaaliyeed iyo in uu soo dhawynayo Madasha Midnimada iyo Dimoqoratiyada.
Denmark waxay kaalin muuqda ka qaataan taakuleynta ay Midowga Yurub siiyaan Soomaaliya, Waxayna Safiir ku leeyihiin Soomaaliya.