Jaaliyadda Puntland ee Finland (Puntland Society of Finland) ayaa gaarsiiyay machadka indhoolayasha albasar ee garowe qalab isugu jira mashiinka ay wax ku qoraan dadka indhaha la’ iyo waraaqihiisa, muraayadaha weynaysooyinka ah ee wax lagu akhriyo iyo ulaha ay dadka indhoolayaasha ahi jidka ku maraan.
Qalabkan oo la qaybiyey maalintii talaadada ee taariikhdu ahayd 21.4.2015 ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Shiikh Aaden Shiikh Xasan Afguriye oo ka mid ah jaaliyadda Puntland ee Finland iyo madaxda mahcadka Albasar. Madaxda jaaliyadda oo uu weheliyo wakiilka dawladda Puntland ee Finland Eng. C/risaaq Muuse Cali Ilweyn oo kulmay markii qalabku gaaray Garowe, ayaa u mahadceliyey intii ka qaybqaadatay in qalabkaas la helo, si nabad ahna loo gaarsiiyo meeshii loogu talagalay. Waxay kale oo jaaliyaddu mahad gaar ah u celinaysaa madaxa machadka Albasar Abdinasir Guureye Kaarshe (dalmar) iyo inta la shaqaysa, kuwaasoo isku hawlay inay ugu adeegaan si hagar la’aan ah dadka indhaha la’, isla markaana jaaliyadda ula shaqeeyey si hufan oo daacadnimo iyo hawlkarnimo leh.
Waxaan Alle ka baryeynayaa inuusan dayicin inta samaha ka shaqaysa oo u taagan inay umaddooda u adeegaan. Waxaa kale oo jaaliyadda Finland ee Puntland sii wadi doontaa Alle idankii inay ka qayb qaadato horumarka Puntland iyo waxtarka dadka dhibaayeysan. Waxayna sidoo kale jaaliyadaha kale ee reer Puntland ugu yeereysaa inay ka qayb qaataan horumarka Puntland guud ahaan, gaar ahaanna dadka dhibaateysan iyo xarumaha lagu hayo.