Waxaa maalmahaan booqasho rasmi ah ku joogay magaalada salaala ee dalka Cumaan safiika cusub ee Somalia u fadhiya dalka Cuman Danjire Abdirizak farah Cali tano ,waxaa Danjiraha Safarka ku weheliyay Qunnsulka dalka Cuman Marwo Xamiisa C/qaadir xassan
Waftiga intii ay halkaas ku sugnaayeen waxay booqdeen muwaadiniin soomaaliyeed oo bukaan ah iyo meelo kale waxayna halkaas kulan kula qaateen jaaliyada soomaaliyeed si wanaagsana u soo dhawsay.
Safarkii Wafdiga Safiirka ayaa ujeedkiisu ay ahayd u kuurgalida Xaalada Soomaalida degan Magaalada iyo Isbarasho iyadoo Safiirku uu Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Degan Dalka Cuman uu u sheegey in shaqada isaga iyo Qunsulka ay tahay illaalinta Xuquuqda Muwaadiniinta degan Dalkaan guud ahaan iyo Fududaynta baahiyada degdega ah ee lasoo gudboonaata Muwaadinka Soomaaliga ah hadii ay timaado baahi dublamaasiyadeed ama mid Bini’aadanimo.
Sawirada hoos ka daawo;-