Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam oo booqasho deg deg ah shalay ku yimid Nairobi ayaa kulamo goosgoos ah wuxuu la qaatey Masuuliyiinta Kenya.
Sida ay Howlwadeenada Puntlandi wararka ku heleen Dowlada Kenya ayaa casuntey Madaxweynaha waxayna kala tashanayeen Howlgal cusub oo Ciidamada Kenya ay ka bilaabayaan deegaanada Jubaland gaar ahaan Gobolka Gedo.
Sida ay Puntlandi Xogta ku heleen si fiican ayaa labada dhinac isula meel dhigeen waxyaabihii miiska saaraa ee laga wada hadlayay iyagoo isla markaasna isla gartey Muhiimada uu howlgalkaan u leeyahay labada dhinacba.
Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Madoobe oo maanta la filayo inuu dib ugu laabto Kismaayo wuxuu Kenya kala hadley oo kale amaanka Xuduuda Jubaland iyo Kenya isagoo hoosta ka xariiqay iney labada dhinac ay hal cadow leeyihiin ayna iskumeel ugasoo wada jeedaan.
Puntlandi.com
Nairobi