Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xildhibaan Cabdibare oo ka Qeyb galay kulan IOM Finland iyo kulana La Qaatay Xisbiga Swedishka ee Finland‏ (Sawiro+Warbixin)

$
0
0

Kulan ay soo qaban qaabisay Hay’adda IOM xarunteeda Finland ayaa waxa uu ka dhacay xarunta ururka dhalinyarada Kanava-ry.
Saciid Guuleed oo ka mid ah Saraakiisha Hay’adda IOM , ayaa soo bandhigay sharaxaad ku saabsan mashuurca MIDA FINNSOM .
Hay’adda IOM xafiis keeda dalka Finland wuxuu muddo sanada ah waday mashruuca lagu horrumarinayo Caafimaadka iyo waxbarasha dalka Soomaaliya, taa soo lagu shaqaaleeysiiyay dadka haysta shahaado xirfadeed.

Mashruucan MIDA FINNSOM awal waxa uu ka howl-galay, Somaliland iyo Puntland. Balse hadda waxaa lagu siidaray Gobolada dhexe ee Soomaaliya , iyadoo dow-ladda Finland ay ugu talagashay aduun dhan 5,000,000 shan milyan oo doolarka Mareeynka ah .
Haddaba sida uu inoo sheegay Saciid Guuleed oo ka mid ah saraakiisha loo xil saaray fulinta howshan, ayaa inoo faaf faahiyay shuruudaha looga baahan yahay qofka soo dalban kara shaqadan.
1. waa in uu qofku haystaa Shahaado cadeen ah inuu leeyahay xirfad .
2.waa un uu haystaa sharci Degeensha ah wadan kuu doona ha degenaadee.
3. waa in uu diyaar u yahay inuu ka soo shaqeeyo Soomaaliya isagoo amaan kiisa iyo mushaarciisba ay balanqaadeeyso IOM.
intaasi kadib xubnihii kulan kaasi ka qayb galay ayaa dhamaantood uwada riyaaqay qaabka ay u soo diyaarisay mashruuca Mida Finnsom ee Hay,adda IOM qaybteeda Finland.

Xildhibaan Cabdibare Xildhibaan Bare oo hadalkii qaatay ayaa yiri sidan”Waxaan ugu horayn idiin dardaarmayaa midnimo,isku duubni iskaashi guduhiina ah waxaana iiga kiin muuqda wada jir ee sii xoojiya oo ogaada waxaad tihiin dad isku diir ah isku diin ah isku dhaqan ah isku dhalasha wada ah oo soomaali baa tihiin kana faiideysta fursadaan kana shaqeeya dhamaan gobolada dalka ka kooban yahay hadaad tihiin reer finland waxaan indhaheyga ku arkay jaaliyada somaliyeed oo mideysan wadamadii aan soo maray kuma aan arag jaaliyad idinla mid ah heada IOM waxay somaliya u qabatay wax badan 3 shaqaalaheeda ayaa lagu dilay iyagoo u adeegaya dadkooda iyo dalkooda .Sidoo kale Xildhibaanku wuxuu yiri wadanka aad joogtaan wax ka barta ka shaqeysta aqoon iyo qidrad mihnadeed ka qaata wadankiina geeya sharciga wadanka aad degan tihiina u hogaansama wanaag kula noolaada.

XILDHIBAANKA OO BOOQDAY XARUNTA XISBIGA SWEDISHKA MAGAALADA HELSINKI FINLAND

Xildhibaanka oo la kulmay madaxa Xiriirka caalamiga swedishka RKP Johan Ecman SFP waxay ka wada hadleen sidii loo taageeri lahaa baarlamaanka somaliya siiba siyaasada iyo xiriirka caalamiga ah iney wadashaqey toos ah baarlamaanka somaliya la sameyn doonaan in la dar dar geliyo midaamka dimiqraatiga in la gaaro qof walba oo somali ah codeyn karo qofkuu doonana dooran karo
9

6

5

4

3

7

2

1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles