Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Dhagayso) Madaxweyne Ku Xigeenka Jubbaland Mudane Farataag oo si kulul uga hadley hadal kasoo yeerey Xildhibaan Xamar jooga

$
0
0

Madaxweyne Xigeenka Dawlada Jubaland Mudane Cabdullaahi Sheik Ismaaciil Farataag oo ka jawaabayay hadal ilaa shalay Saxaafadaha lagu baahinayay oo ahaa in Beesha Sade isaga baxdey Shirka lagu dhisayo Baarlamaanka Jubaland ee ka soda Kismaayo,ayaa  si kulul u beeniyey hadaladaas.

Farataag wuxuu sheegayay in hadaladaas kasoo yeerey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka kana soo jeedaan Beesha uu yahay hadal aan sal iyo raad lahayn.

Wuxuu Farataag yiri “Waxaan idiin sheegayaa Shirka gabagabo ayuu inoo Marayaa, Beesha Sade kama bixin shirka ”.

Gen. Farataag isagoo ku hadlayay Magaca Beesha Sade ayuu ka raali galiyey Urur Goboleedka IGAD hadalo uu sheegey iney Gaf ahaayeen oo kasoo yeerey Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Hoos ka dhagayso Codka;-

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles