Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Innaa Lilaahi wa innaa ileyhu Raajucuun Ambasador Yusuf Ismaaciil Baribari oo Muqdisho lagu diley

$
0
0

Baribari
Illaahay naxariistii haka waraabiyee Ambasador Yusuf Ismaaciil Baribari wuxuu caawa ku geeriyoosey Muqdisho kadib Dhawac kasoo gaaray Qarixii galabta æala beegsadey Hotel maka Almukarama.

Ambasadorka oo xaaladiisa caafimaad tan iyo galabta ay sigaara ula socdeen Howlwadeenada Puntlandi wuxuu ka dardaarmey in Garowe lagu aaso.

Ambasadoorku wuxuu ka qayb galayay shir ka socdey Hotelka la weeraray,inkastoo Hotelka wali la haysto wuxuu isagu ka mid ahaa Dadkii Qaraxa hore ku dhawacmey.

Xaaskiisa iyo caruurtiisa oo iyana xaalada la socdey way ka war hayaan.

Ambasadoor Yusuf Ismaaciil wuxuu in mudo ah ahaa Safoirka Xuquuqul insaanka Soomaaliya u fadhiya Qaramada midoobey fadhigiisuna wuxuu ahaa Geneva.

GUUD AHAAN bahda Puntlandi oo sigaara saaxiib ula ahaa Qoyska marxuumka iyo isaga iyagoo ka tiiraan yeysan ayay ka tacsiyeynayaan Geeridiisa.

puntlandi.com
Muqdishp


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles