Kadib markii ay soo baxeen in Diyaaradii GermangWing ee fly 4U9525 ee ku burburtay Salaasadii Buuraha Alps Dalka Faransiiska in uu si ulakac ah u ridey Diyaarada mid kamid ah labadii Duuliye ee Diyaarada ayaa shirkado badan waxay shaaciyeen iney wax ka badaleen nidaamkii ahaa iney Diyaarada duuliyaan laba Duuliye.
Falkaas kadib ayaa Shirkada Luftansa oo lahayd Diyaarada Burburtay waxay durba shaacisey ineysan waxba ka badaleyn Nidaamka hada u yaal shirkada balse Shirkado dhowra oo ay kamid yihiin Norwegian iyo Easyjet ayaa shaaciyey inay markay maqleen warkii ku saabsanaa inuu ulakac u haligay Duuliyihii Germanwing ay wax ka badaleen Nidaamkooda.
Waxay Shirkadahaan kusoo rogeen Diyaaradahoodo in mar walba laba duuliye ay fadhiyaan Shirka Diyaarada taasoo macneheedu yahay in hadii mid uu u baahdo inuu baxo oo uu musqusha galo ama Kaffe doonto u badali doono Qof sadexaad.
Wasiirada Gaadiidka ee Canada Lisa Raitt ayaa iyana amar adag ku bixisay in Diyaaradaha Canada ay qaataan Nidaamkaan ah in laba duuliye ay mar walba xaadir ku yihiin qaybta laga hago Diyaarada(Shirka), Shirkadaha Air Canada iyo WestJet Airlines ayaa isla markiiba hirgaliyey Nidaamkaan waxayna Diyaarad walba saareen Sadex Duuliye oo labo Kalkaaliye Duuliye yihiin iyo Kabtanka Diyaarada.
Maraykanka Nidaamkaan horey ayuu uga jirey.
Soomaaliya kama jiro nidaamkaan.
Puntlandi.com