War Saxaadadeed ay soo saareen Ehlu Suna Wal Jameeca uuna saxaafada u akhriyey Sargaal ka tirsan Ehlu Sunatul Wal Jameeca ayaa Dowlada Federaalka lagu eedeeyey iney jabisay heshiiskii ay bishaan horaanteeds wada gaareen Dowlada iyo Urur Diimeedka Suna wal jameeca kaasoo lagu daminaya Dagaalkìi Guriceel ee dabayaaqada bishii feberaayo ka qarxay deegaankaas.
Warsaxaafadeedka ayaa Suna wal jameeca waxay ku sheegeen iney Dowladu Dhibaato ku heyso Deegaanka taas ka dibna ay Dowladu jabisey heshiiskii Guriceel ee 5 maarso kasoo lagu balansanaa iney labada dhinac ka wada hadlaan Waxyaabihii sababay Colaadii dhalisey Dagaalkii Guriceel balse ay Dowladu jabisey heshiiskaas.
Culimo awdiinka Suna Waljameeca waxay ku baaqeen iney Dowladu soo fariistaan miiska wada hadalka ee lagu balamey si aysan colaad hor leh u dhicin.