Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo sawirada Xildhibaan CabdiBare Yusuf Jabril oo London lagusoo dhaweeyey

$
0
0

Xildhibaan Cabdi Bare Yusuf oo ka mid ah Xildhibaanada ugu caansan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo booqasho ku maraya Qaarada Yurub si uu ugu xog waramo Qurba joogta Soomaaliyeed ayaa ka cag bilaabay London UK , Waxaana saaka Garoonka Diyaaradaha Heathrow kusoo dhaweeyey Xubno ka socda Jaaliyada Soomaalida UK.

Xildhibaanku wuxuu kulan balaaran la qaadan doonaa Qurba joogta Soomaaliyeed ee UK maalmaha soo socda.

Safarkiisa xiga wuxuu noqon doonaa Scandinabianka isagoo kulanka UK ka dib u duulidoona Dalka Sweden halkasoo uu ka bilaabayo booqashadiisa Scandinavianka.

Xildhibaan Cabdi Bare wuxuu kamid yahay Xildhibaanada fara ku tiriska ah ee aad ugu dhuun daloola Soomaaliya kana shaqeeya isusoo dhowaanshaha Soomaaliya.

Xusuusin

.

Xaflad casho ah ayaa caawa loo qabanayaa Xildhibaanka Cidwalbana waa kasoo qayb gali kartaa waxayna ka dhacaysaa ciwaankaan hoose

“SUNLOUNGE BANQUETING”
ATLIP ROAD,
ATLIP CENTRE,
WEMBLEY

29.03.2015
saacada 6:00 PM

Fadlan wakhtiga hala dhowro

IMG-20150327-WA0001-2IMG-20150327-WA0002


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles