Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING– Faahfaahin, Diyaaradii Germanwing oo uu Duuliyihii labaad kas u burburiyey

$
0
0

breaking nesSida ay sheegeen Masuuliyiinta Faransiiska ee baarayay mid ka mid ah labadii Sunduuqa Madow ee Diyaaradii Germanwing ee talaadadii ku burburtay Buuraha Alpens ee Dalka Faransiiska Duuliyihii labaad ee Diyaarada ayaa si ula kac ah u horseedey iney Diyaaradu burburto.

Cabtankii Diyaarada ayaa musqusha aadey kadibna markuu soo noqdey ayaa duuliyih labaad oo ahaa caawiyaha Kabtanka uu iska dhaga tirey inuu albaabka shirka diyaarada uu furo.

Sida laga maqlay Sanduuqa Madow ee duubayay codka Hadalkasta oo diyaarada dhexdeeda ka dhaca Aad ayuu u gaaracay kabtanku Albaabka Shirka Diyaarada ilaa uu aakhirkii si xoogan garaacayay oo mar mar xitaa uu isagoo adeegsanaya jirkiisa uu albaabka isku dhuftey si uu u jabiyo, Duuliyaha labaadna wax jawaab ah ma uusan bixin oo ulakac ayuu Albaabka hoosta uga xirtey.

Kooxda baaraysay Sanduuqa Madow ee Diyaarada waxay sheegeen in Duuliyaha labaad uu ulakac u burburiyeyay Diyaarada oo ay saaraayeen 150 Qof , Dhamaantood wax geeruyoodeen.

Duuliyaha labaad oo 28 jir ahaa waxas la oran jirey Andreas Lübitz wuxuuna ahaa Jarmal, Sida ay shirkada Luftansa sheegtey Duuliye Andreas Lübitz wuxuu shaqada u bilaabay 2013, wuxuuna kabtanka labaad intuu ahaa uu duulay 630 saacadood.

Su’aalo badan ayaa ka dhashey sababta uu ulakaca u ugu burburiyey Doyaarada Duuliyaha labaad.

Andreas Lübitz Wuxuu u shaqaynayay Luftansa ilaa 2013 kii, Waxaa Baylootnimada soo baray isla Luftansa.

Faahfaahin intaan dheer kala soco wararkayaga dambe.

PUNTLANDI.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles