Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Dowladda Soomaaliya fadeexad weyn ayey ku dhacday, Kolkii ay cambaaraysay dowladda Sweden

$
0
0

SwedenGo’aankii dowladda Soomaaliya ay ku gaartay inay ka qayb qaadato muranka siyaasadeed ee ka dhex aloosmay labada dowladood ee Sucuudi Caraabiya iyo Sweden wuxuu ahaa go’aan dhabarjab weyn ku keenay soomaalida Sweden.  Markii ay taariikhdu ahayd 24/03/ 2015, ayaa warmurtiyeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaa lagu canbaareeyay dowladda Sweden, iyadoo ay Soomaaliya ku eedaysay dowladda Sweden in ay faraha la gashay arrimaha dowladda Sucuudiga.

Dad badan, oo ay ugu horreeyaan soomaalida Sweden ayaa go’aanka dowladda soomaaliya ka naxay, lana yaabay, iyagoo is weydiinaya waxa Soomaaliya ku qasbay in ay faraha la gasho khilaafka ka dhexeeya labadaas waddan. Si kasta oo loo fiiriyo ma ay jirin sabab ay Soomaaliya uga qayb qaadato muran dowladda Sweden qayb ka tahay, isla markaasna aan dowladda Soomaaliya si toos ah u khusayn. Waa arrin weyn oo yaab leh in Soomaaliya ay ku dhiirrato ceebaynta iyo canaanta Sweden.

Soomaalida Sweden ku nool waa dadka ugu tabarta yar dadyoowga Sweden ku nool. Dhinac kasta oo la fiiriyo waxay ugu horreeyaan dadka ugu baahida badan, oo ay dowladda Sweden ku qasban tahay in ay la garab istaagto caawimo iyo gargaar joogto ah, si aanay nolosha uga dhicin. Soomaalida Sweden waa dadka ugu badan ee ay shaqo la’aantu haysato, oo si joogta ah ugu tiirsan gargaarka ay bil kasta dowladda Sweden u fidiso, si ay u helaan hoy iyo wax ay cunaan. Soomaalida Sweden waa dadka ugu hooseeya xagga waxbarashada. Kumanaan soomaali ah ayaan waxna qorin waxna akhrin. Kuwaasoo macallimiin iyo shaqaale kale oo swiidhish ahi, ay subax kasta halgan ugu jiraan sidii ay u bari lahaayeen wax akhrinta iyo wax qoridda. Adduunyada waxyaabaha ugu dhibka badan ayey ka mid tahay inaad qof weyn, oo haddana toban carruur ah leh, aad ku guuleysato inaad wax bartid. Saas oo ay tahay kama daalaan macallimiinta iyo dugsiyada Sweden in ay la halgamaan sidii dadkaasi wax u baran lahaayeen. Carruurta ugu badan oo goobaha caafimaadka iyo isbitaallada lagu xannaaneeyo waa carruurta soomaalida, marka laga reebo kuwa swidishka ah ee waddanka u dhashay. Carruurta ugu badan oo ajaanib ah oo iskuullada dhigta waxaa ugu badan kuwa soomaalida. Tobannaan kun oo soomaaliyeed ayaa waxay haystaan dhalashada waddanka Sweden, iyaga oo la xaquuq ah dadka waddanka u dhashay.  In ka badan kummanaan milyuun ayey dowladda Sweden ku bixisay sidii Soomaaliya ay dolwad u yeelan lahayd. Intaas oo wanaag ah dadka kuu galay haddana weli u dulqaadanaya dhibka iyo culayska ay carruur iyo dumar soomaaliyeed ku hayaan, ayaa afar iyo labaatankii bishaan maarso 2015ka, waxay idaacadaha ka maqleen, joornaalladana ka akhristeen in dowladda Soomaaliya uga hiillisay dowlad kale oo khilaaf kala dhexeeyo. Waxay is weydiinayaan: sababtu maxay tahay? Maxaan u dhinnay dowladda Soomaaliya? Miyaaneey u jeedin inaan dadkoodii soo dhaweynay? Miyaaney u jeedin inaan aad ugu naxariisanno? Miyaaney u jeedin inaan u dulqaadanno dadkooda tabarta yar, una baahan gargaarka joogtada ah? Miyaaney u jeedin in aan maalin kasta malaayiin lacag ah ku qarash garayno waxbarashada carruurtooda?

Soomaalida Sweden ayaa laga sugayaa in ay su’aalahaas dadka swidishka ahi is weydiinayaan, jawaabahhooda ka keenaan dowladdooda Soomaaliya. Soomaalida Sweden waxaa looga fadhiyaa in ay mowqif cad ka istaagaan dhaqan xumada dowladda Soomaaliya. 

Waa in ay si degdeg ah u muujiyaan in aanay dowladda Soomaaliya ku raacsanayn go’aankaas, iyagana aaney matalin, iyo in ay ku qasbaan dowladda Soomaaliya in ay ka noqoto go’aankaas qurunka ah. Soomaalida Sweden waa in ay xiriirka u jaraan Dowladda Soomaaliya, inta ay ka qiranayso in ay ku geftay shacabka soomaaliyeed iyo shacabka Swedenba. Waa in ay raalligelin ka bixiso fadeexadda ay lugaha la gashay.

Arrintaani faraha ayey ka baxday, sumcadxumo weynna waa ay u soo jiidday soomalida Sweden. Haddii aynaan ka bannaan bixin foolxumadaan, ay dowladda Soomaaliya ku kacday, waxaa dhici doonta in ay annaga iyo carruurtennaba cawaqib xumo weyn u horseeddo, shaki weynna ay geliso dareenkeenna muwaaddinimo. Soomaalida Sweden waxaan ugu yeerayaa in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu dhaqaaqaan arrimaha soo socda:

 

1.     In aan muddaaharaadyo aan uga soo horjeedno go’aanka dowladda Soomaaliya aan magaalooyinka waaweyn ee Sweden oo dhan ka dhigno. Weliba sida ugu dhaqsaha badan.

2.     In aan dowladda Soomaaliya xiriirka u jarno, iskana beri yeelno, inta ay raalligelin ka bixinayso gefkii ay kula kacday soomaalida Sweden iyo guud ahaan shacabweynaha Sweden, ee naxariista iyo soo dhaweynta badan.

3.     In aan ka dalbanno baarlamaanka Soomaaliya, oo ay ku jiraan xubno wata dhalashada waddanka Sweden, in uu ku sameeyo baaris iyo dabagal cidda ka danbeysey, oo bixisay amarka loogu gefay dowladda Sweden iyo gaar ahaan soomaalida Sweden. Iyo weliba in baarlamaanku uu dowladda Sweden u soo diro wefti isaga matalaya, si uu, isagoo ku hadlaya magaca shacabka soomaaliyeed, raalligelin uga bixiyo khaladkii magaca soomaaliyeed lagu galay.

Waxaan xasuusinayaa soomaalida Sweden arrintaani in aanay ahayn arrin khusaysa Islaam. Waa khilaaf laba dowladood iyo danahooda khaaska ah ka dhexeeya. Arrintu islaam iyo muslimiin sinnaba xiriir ulama leh. Dowladda Sweden mowqifkeeda waa ay caddaysay. Wasiirka arrimaha dibadda Sweden waxay tiri: Dowladda Sweden waxay ixtiraam weyn iyo qaddarin u haysaa Diinta islaamka. Islaamkuna waa qayb ka mid ah dowladda Sweden. Sidoo kale dowladda Sweden waxay ku jirtaa dowladaha yar ee aqoonsaday dowladda Falastiin iyo xaqa ay dadka reer falastiin u leeyihiin in ay helaan xaquuqdooda. Dadka muslimiinta ahi waxay si xor ah ugu dhaqmaan diintooda, iyadoo aan cidina ku xad gudbin.

Soomaalida Swedeneey ha u malaynina in arrinkaan is dhagoolayn uga bad baadayno.

FG: waxaa qasab ah inaan hadda wixii ka danbeeya helno cid si rasmi ah noo matasha, oo ku hadasha magaceenna, difaacdana sharafteena iyo masaalixdeenna.

Sweden is one of the European countries that hold largest numbers of Somali immigrants who have been granted citizenship and enjoy other sorts of human rights.

Some Somalis who fled to Saudi Arabia in seek for refuge and work have faced abuses such as rape, exploitation, under-or unpaid, physically abused, overworked and locked in their places of employment. Human rights activists have described these conditions as “near-slavery”and attributes them to “deeply rooted gender, religious, and racial discrimination”

Qore: Mubaarak Xoosh, muwaaddin ka mid ah soomaalida Sweden. Email:duubcad@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles