Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Tarsan oo la hadlayay saxaafada ayaa sharaxaad ka bixiyey dhaqan xumada TV-yada Soomaalida iyo dadka ka shaqeeya oo uu ku tilmaamey iney dad aan siyaasiyiin u dhowayn oo ay Fadhi kudirirsada ay kasoo ururiyeen ay ku tilamaamaan siyaasiyiin, Wuxuu Yiri “Waa Wax laga yaqyaqsado hadaad daawato TV-yada Soomaalida ee London laga maamulo, Ra’yi xitaa ma lahan, Waxay TV-ga soo fariisiyaan dad lagasoo ururiyay Fadhi ku dirirada, oo laga yaqyaqsanayo, walaahi qaarkood waan aqaan oo waligoodba shaqo ma aadin, xitaa Reerkooda kama adka, intii Suut loosoo xiro baa TV-ga lasoo fariisiyaa, ka dibna lagu tilmaamaa Siyaasi, wariyayaasha Xitaa waa Wax laga yaqyaqsado sida ay u hadlayaan, Qofka intay Su’aasha jawaabteeda afka u galiyaan Bay dhahaan , Sow sidaas ma ahan, war saxaafada barta”.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Tarsan wuxuu Run ka sheegey TV-yada Soomaalida habka ay u shaqeeyaan, iyadoo dhinaca kale Tarsan uu ahaan Jirey Reer London wuu kala yaqaan Dadka reer London ee TV-yada lasoo fariisiyo iyo kuwa ka shaqeeyaba