Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxaan Sheikh Maxamed Faroole ayaa shalay 20 Ogoosto wuxuu booqasho kusoo kala bixiyey Wasaarada caafimaadka , halkaasoo wasiirka Caafimaadku Dr. Cali cabdullahi Warsame uu uga warbixiyey howsha Wasaaradu meesha ay marayso.
Madaxweynaha ayaa Bahda Caafimaadka ka dhagaystey Saameynta ay yeelan karto goobihii ay MSF Somalia gacanta ku hayaan marka ay baxaan iyo Qorshaha Wasaaradu ugu tala gashey boosaska ay MSF Somalia baneyn doonaan, Madaxweynuhu wuxuu sheegey iney Dowladu Qorshe baaxad wayn u sameyn doonto dhamaan Goobaha ay MSF ka baxayaan isagoo hoosta ka Xariiqey Madaxweynuhu in Xukuumadu dadaal dheer u gali doonto.
|
||||||||||||