Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Puntlandi oo heley Qodobada Ergada Jubaland iyo DF ay isku mari waayeen ilaa hadda

$
0
0


Adis abeba–20 Ogoosto,2013–Pi– Tan iyo Xalay Waxaa Magaalada Adis Ababa ka socdey kulamo loogu Gogol xaarayo kulanka Caawa oo Talaado 20 Agoosto ah dhex mari doona Madaxweynayaasha Dowlada Jubaland iyo Dowlada Federaalka, Kulamadaas Wax natiijo ah kama soo bixin, in kastoo is badal Isfahan uu ka dhaci karo Kulanka labada Madaxweyne.

Ergada Dowlada Federaalka waxaa ka mid ahaa Xildhibaanadii had iyo jeer diidanaa in Jubaland Maamul loo sameeyo, kuwasoo Muqdisho shirar ku qaban jirey iyadoo ay weheliyaan Odoyaashii Beesha Hawiye sida Xaad iyo Axmed Diiriye. Xildhibaanadaas ayaa kulamada hadda ka socda Adis Ababa waxay la yimaadeen Wax ka baxsan Waxyaabihii looga wada hadley kulamadii kan ka horeeyey ee Adis Ababa ka dhacay bishii Juun sanadkaan.

Ergada ka socda Dowlada federaalka oo Xildhibaanadaas ka mid yihiin iyo Ergada ka Socda Dowlada Jubaland oo labada Madaxweyne ka maqan yihiin waxay Qolo walba soo bandhigtey Dhowr Qodob, oo kala ah sidaan:

Dowlada Federaalku waxay soo bandhigeen

  • In kulanka Adis Ababa lagu saxiixo Heshiis oranaya in kulanka Isfahan ka dhacay uuna kasii socon doono Muqdisho, intaas ka dibna Muqdisho lagu balamo si Heshiiska rasmiga ah la isula meel dhigo.
  • In Magaalada Muqdisho la isugu yimaado halkaasna Dowlada federaalku ay Maamul kumeel gaara u magacawdo Gobolada Jubooyinka.
  • In Gobolka Gedo la raaciyo Bay iyo Bakool , iydoo Ergada Gobolkaas kasoo jeeda laga reebayo Ergada ka imaanaysa Jubooyinka ee ka qayb gali doona  kulanka Muqdisho

Jubaland arintaas waa ku gacan sayrtey Waxayna miiska soo saareen Qodobada dhankooda oo ay kamid yihiin..

  • In Dowlada Federaalku si buuxda ula shaqayso Dowlada Jubaland iyadoo la tixraacayo Dastuurka Federaalka, dastuurkaasoo noqonaya kii ay Lixda saxiixayaashu saxiixeen.
  • In Dowlada Jubaland ay iyagu maamushaan Deeqaha Caalamku siiyo Soomaaliya qaybtooda aysana Cidna Wakiil uga noqon.
  • Mushaarka Ciidamada Jubaland in ay qaybtooda ka helaan Dhaqaalaha Mushaar ahaanka loo siiyo Ciidanka Soomaaliya ee Beesha caalamku bixso
  • In sida Dastuurku qoraya ay Jubaland qayb ka ahaadaan Heshiisyada Caalamiga ah ee saameyn ku yeelan kara Deegaanada Jubaland.

Kulankii markii Dambe waa lagu kala kacay waxaana goobta Buuq ka dhaliyey Xildhibaanadii ka socdey Madaxweyne Xasan Sheikh, waxaana kulanka markii dambe goob joog ahaa Ergo ka socota Wadamada IGAD,

Ergada Jubaland waxay soo jeediyeen in Wadahadalka loo daayo labada Madaxweyne oo uu wehelin doono madaxweyne Xigeenka Jubaland, sidaas awgeedna ay Sadexdaan Masuul wada eegaan Qodobada ayna ka wada hadlaan.

Kulanka Madaxweynayaashu wuxuu dhacayaa Caawa Fiidkii saacada Adis ababa

Kala soco Puntlandi wixii kasoo baxa kulankaas.

Puntlandi.com

Adis ababa


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles