Ninka aad sawirkaan ku aragtaan waa Maxamed Cismaan Caruus oo ahaan jirey Afhayeenkii Xisbul Islaam , waana gacanta midig ee Xasan Daahir Aweys, wuxuuna ka mid ahaa ragii Al-shabaabka ahaa ee la socdey Xasan Daahir Aweys, sida la cadeeyey Maxamed Cismaan Caruus iyo rag kale oo la socdey Xasan daahir Xalay markii Muqdisho laga soo dajiyey ayay u suura gashay iney si farsamaysan Garoonka uga baxaan iyagoo isku dhexdarey Wafdigii Ximin iyo Xeeb ee Saarnaa Diyaarada sidey Xasan Daahir Aweys.
Kooxdaan Al-shabbabka ah ayaan hadda laga warheyn meesha ay Muqdisho ka galeen inkastoo loo badinayo in Dhuumashadoodu ahayd mid ay horey usoo qorsheysteen ayna ogyihiin meesha ay sal Dhigayaan, waxaa kaloo loo badinayaa iney jiraan shaqsiyaad ka tirsan ciidamada nabadsugidda inay ka caawiyeen inay baxsadaan, shaqsiyaadkaas oo loo maleynayo inay laalush qaateen.
Puntlandi
Muqdisho