Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh *Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa galabta gaaray Magaalada Adis ababa si ay halkaas ugula kulmaan Madaxweynaha Dowlada Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo Dowlada Itoobiya ay labada Madaxweyne kala dajiyeen laba Hotel.
Wasiirka Arimaha Dibada Dr.Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa wuxuu la kulmay galabta Madaxweynaha Dowlada Jubaland iyo Wafdigiisa, kulankaasoo ka dhacay Hotelka ay Wafdiga Jubaland degan yihiin, Waxaana laga wada hadlay arimaha Soomaaliya.
Dhinaca kale kulanku markuu dhacayay *Waxaa Magaalada dhinac kaga sugnaa Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne xasan Sheikh, Waxaana la filayaa in Beri subax ay bilowdaan Wadahadalada iyo kulanka dhex mari doona Madaxweyne Xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Horey Waxaa Adis ababa isugu arkay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay iyo Wasiirka arimaha Dibada Itoobiya Dr.Tedros, kulankooduna waxay uga wadahadleen Kulanka dhexmari doona Axmed Madoobe iyo xasan Sheikh, Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya wuxuu Ncholas Kay u sheegey iney Itoobiya ku hanwayn tahay in Xasan Sheikh iyo Axmed Madoobe kulankoodu noqon doono mid ay kasoo baxaan waxyaabo wanaagsan.
Puntlandi kala soco Wararka ku saabsan kulanka Madaxweyne xasan Sheikh iyo Madaxweyne Axmed Madoobe.
Puntlandi.com
Adis ababa