Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo Adis Ababa ka degay isagoon cidna kusoo dhawayn Bole International Airport

$
0
0


Adis ababa–20 Ogoosto,2013–Pi– Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud iyo Wafdigiisii oo shalay Adis Ababa gaaray ayaa Waji gabax kala kulmay Garoonka diyaaradaha ee Adis Ababa ka dib markii ay Dowlada Itoobiya Wax soo dhaweyn ah aysan u Sameyn Madaxweynaha, dhabarkana ay u jeediyeen, Safarkisii kan ka horeeyey Madaxweyne Xasan Sheikh waxaa Garoonka diyaaradaha Addis Abeba ee Bole International Airport kusoo dhaweeyey Wasiirka Arimaha Bulshada Itoobiya, Safarkii shalayna wuxuu muujinayaa in arintu hoos ugasii dhacdey sidii hore, Xiriirna uusan jirin labada dhinac.

Shalay Madaxweynaha Waxaa Garoonka diyaaradaha Adis Ababa kusoo dhaweeyey Axmed Cabdisalaan iyo Mustafe Dhuxulow oo horey Wasiiro uga ahaan jirey Xukuumadii Nuur Cade, Waana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo waji gabax intaa le’eg kala kulma Dalka aan dariska nahay ee Itoobiya.

Haddii uusan Raysal Wasaaraha Itoobiya soo dhaweyn Madaxweynaha imaanaya Dalkiisa, waxaa dhaqan ah inuu Madaxweynaha Itoobiya soo dhaweeyo ama Wasiirka Arimaha Dibadu uu uga hortago Garoonka, laakiin taasi ma dhicin oo Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya Dr. Tedros Adhanom wuxuu la casheynayay Wafdigii Jubaland xili Madaxweyne Xasan Sheikh ay Safaarada Soomaalidu geeyeen Hotelka uu ka dagi lahaa Adis ababa.

Sida aan Warar hoose ku heyno maanta ayuu Madaxweyne Xasan Sheikh Xafiiskiisa ku booqanayaa Raysal Wasaaraha Itoobiya, ka dibna waxaa bilaabanaya Wadahadalkii isaga iyo Madaxweynaha Jubaland oo loo badinayo inuu ka dhici doono Wasaarada Arimaha Dibada Itoobiya.

Sawirada hoos ka daawo Madaxweynaha oo ay soo dhaweynayaa Axmed Cabdisalaan iyo Mustafe Dhuxulow


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles