Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Arin Xaqiiq ah oo Muqdisho ka socota— Hantidii la bililiqaystey waxaa lagu darsadey Qarankii oo la bililiqaystey, (Ururo iyo Hay’ado Qarameed reer Hebel u shaqeeya)

$
0
0

Sanadkii 1991 Xasuuqii maatada iyo Caruurta loogu geystey Muqdisho waxaa feer socdey Bililiqaysi hantidii Gaarka loo lahaa iyo tii la wadaagay, boqolaal kun oo guri baa maanta dadkii lahaa laga haystaa, iyadoo taasi jirto ayaa waxaa waayadaan dambe lagu darey boob iyo Bililiqaysi lagua hayo Qarankii Soomaaliyeed.

Hay,adihii Dowlada waxaa NGO ahaan loo siiyey dad gaara, Ururadii Bulshada kaba sii daran, waxaa wax laga xishoodo ah ayaa ka socda Xarunta Gobolka Banaadir iyo Villa Soomaaliya tasoo ah bixinta urur Magac qarameed oo xaqiiqdiisa ku qarsoon tahay naasnuujin iyo NGO, Dhamaan Hay’adaha Dowliga ah iyo Ururada Bulshada waxaa loo gacan galiyey dad gaara.

Waxaad Xamar ka maqlaysaa

Ururka Qaranka Suxufiyiinta.
Ururka Odoyaahsha Qaranka Soomaaliyeed,
Telefishanka iyo Idaacada Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Ardeyda Qaranka Soomaaliyeed,
Ururka Beeralayda Qaranka Soomaaliyeed,
Hay’ada Qaranka ee Xuquuqul Insaanka.
Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed (SONNA),
Xiriirka Kubada Kolayga Qaranka Soomaaliyeed,
Fanaaniinta Qaranka Soomaaliyeed
Xiriirka Kubada cagta Qaranka Soomaaliyeed,
Xiriirka Ciyaaraha Fudud ee Qaranka Soomaaliyeed iyo qaar kaloo badan.

Dhamaantood Ururadaan iyo Hay’adahaan waxaa maamula dad gaara oo Reer Hebel kaliya ah, qaarkood 1991 bay bililiqo ahaan ugu degeen,badankooda waxay Villa Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir ay siiyaan Kontraaktiyo deeqaha loogu tala galay shacabka soomaaliyeed, Ururadaan Qaarkood waa isku shaqo laakiin mid walba reer gooni ah baa iska leh, ama bililiqaytey.
Waxaa Cajiib ah in xitaa Hay’adihii Amniga si NGO ahaan ah loo isticmaaley, Wasaarada Gaashaandhiga shaqadii ay qaban lahayd ee dhinaca Daryeelkka Ciidanka Waxaa heshiis lagu siiyey Nin ay Wasiirka Gaashaandhiga qaraabo yihiin iyo Nin ay Madaxweynaha qaraabo Yihiin oo labaduba qurbaha ka yimid loona sameeyey NGO ay ku cunaan xaqa Ciidanka.

Hay’adaahaan Magaca Qaranka la raaciyey hadaad u fiirsato waxay ka siman yihiin ilaalinta Danaha hal beelood oo ah Beesha Madaxweyne Xasan Sheikh iyo beelaha ku abtirsada, Bal wax yar daawo ama dhagayso Idaacadaha loogu magac darey kuwa Qaranka, Waxay ka sheekeeyaan oo qura Koonfurta Gaalkacyo ilaa Xamar, Waligood kama aysan hadlin Arimaha Kismaayo ka socda hadey ka hadlaana waxay sheegaan Warar iyaga u xaglinaya.
Ururada Bulshada ee Wata Magaca Qaranka Soomaaliyeed waxay Gacanta ugu jiraan Dad gaara oo naasnuujin ahaan loo siyey, Xagee lagu arkey Hay’ad dhan oo Qaran ku magacaaban oo Qoys kaliya leeyahay, xafiisna u tahay Guri gaar loo leeyayahay.

Waxaad kaloo arkeysaa Hay’ad wadata Magac uu la socdo QARANKA SOOMAALIYEED oo Ninka madaxda ka ah Gurigiisa uu shirar ugu qabanayo Dad lasoo ururiyay, kulankaas waxaa lagu magacaabayaa kulan siminaar ah , waxaana lagu cunayaa hanti Beesha Caalamku ugu tala gashey Daryeelka Shacabka Soomaaliyeed, waxaa badanaa Heshiisyada noocaan ah bixiya Maamulka Gobolka Banaadir iyo Wasaaradaha.

Mar aan Muqdisho dhowaan booqdey waxaan kaloo la yaabey Arin cajiib ah oo ah in shaqadii Wasaaradaha uusan Wasiirka ku magacaaban waxba kala socon,waxaa badankooda markii dhaqaale meesha soo galo laga maareeyaa Vila Soomaaliya(Xafiiska Madaxweynaha),waxaa kaloo Cajiib ah waxaad Madaxtooyada ku arkeysaa Dhalinyaro aan nidaam Dowladeed aqoon oo Waraaqo la hortaagan Villa Soomaaliya iyo Xafiisyada kale kuwasoo mid walbaa wato Hay’ad ama Urur Bulsheed, markaad sii egtid magac walba waxaa u Dambeeya QARANKA SOOMAALIYEED.

Maamulada Gobolada sida Soomaaliland, Puntland iyo Jubaland waxaa ka jira Hay’ado iyo Ururo Bulsho oo u adeega Dadka deegaanadaas, laakiin Muqdisho marna ma arkeysid Urur wata magac Gobol, laakiin Magicii Soomaaliweyn ka dhexeeyey ee QARAN ayaa jidgooyo loo dhigtey.

Way jiraan Siyaasiyiin u dhashey Muqdisho iyo nawaaxigeeda kana xishooda waxa hada Muqdisho ka socda, laakiin Qaswadayaasha Xamar ku xidideystey, Villa Soomaaliyana u afduuban tahay, hadaan Dalka laga qaban, way adkaanaysaa in la helo Qaranimo rasmi ah, waxaana taas ku baaba’aya oo dhibka ugu wayn haystaa shacabka ku nool Koonfurta Soomaaliyeed kuwasoo kuwii daryeeli lahaa ay ka doorteen shilin iyo iney Dadka soo maaliyeed Hantidoodii afka u dhigtaan.

Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles