Sida ay Puntlandi xogta ku heleen Beesha Caalamka ayaa maanta si toosa usoo fara galisay Khalkhalka siyaasadeed ee ka socda Villa Soomaaliya.
Baarlamaanka waxaa si toosa loogu amrey iney joojiyaan Mooshinka iyadoo kulankii caawa dhex maray Xildhibaanada ay qaateen go’aankii Beesha Caalamka.
Sida muuqata hada xaalku wuxuu dhexyaalaa Madaxweynaha iyo Beesha Caalamka ee daneeya arimaha Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheikh oo horey uga baxay heshiiskii Sadexda qodob ee ay doraad 6 nov. Ay wada gaareen isaga, Jawaari iyo Raysal wasaaraha ayaa dhaliyey iney Beesha Caalamku si toosa usoo fara galiyaan.
Ingiriiska iyo Jabuuti ayaa beri soo diraya wafdi kasoo si toosa ula hadli doona Madaxweynaha, waxayna wafdigaan imaanayaan Muqdisho.
Wararka aan ka heleyno illo dublamaasiyadeed waxay sheegayaan in Beesha Caalamku ay hada si toosa u abaarayaan Madaxweynaha iyagoo ku eedeynaya inuu isaga iyo Xukufadiisu ay is hortaageen waxwalba oo isku dey ah oo lagu dhameynayo khilaafka yaala iyo kicinta Xildhibaanada u ololeynaya Mooshinka.
Lana oga waxa kasoo bixi doona wadahadalka beri ay yeelan doonaan Wafdiga Jabuuti, Wafdiga Ingiriiska iyo Masuuliyiinta Villa Soomaaliya.
Kala soco Puntlandi Wararka rasmiga ah ee kasoo kordha Muqdisho.
Puntlandi.com