Muqdisho–8 Nov 2014–Pi– Warar Dublamaasiyadeed oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in dhowr nin oo Garabka Madaxweyne Xasan Shiekh ah ay Beesha Caalamku go’aansadeen in si kumeelgaar ah xanibaad dhinaca safarka iyo dhaqaalaha ah lagusoo rogo, lagana yaabo in laga xayuubiyo xilalka ay hayaan.
Kooxdaan ayaa loo arkey iney khatar ku yihiin Dadaalka ay beesha caalamku ugu jirto taakuleynta Soomaaliya iyo Hiigsiga qorshaha 2016 isla markaasna ay curyaamiyeen Ha’yadihii Dowliga ahaa.
Liiska ragaan oo Puntlandi si hoose loogusoo dusiyey waxay kala yihiin.
1–Wasiir Faarax Cabdulqaadir
2– Cabdikariin Xuseen Guuleed Wasiirkii hore ee Amniga iyo Arimaha Gudaha
3–Cabdullaahi Sanbalooshe oo ahaan jirey Taliyihii NSS.
4– Cali Sheikh Xasan oo ah Madaxweynaha Walaalkiis.
5–Fahad Yaasiin oo ahaa wariye Al-Jezeera u shaqeeya.
Ragaan ayaa si toosa loogu eedeynayaa iney lugwayn ku leeyihiin Musuq maasuq baaxadweyn oo lagu sameeyey Lacago Beesha Caalamku ugu deeqdey Soomaaliya, Lacago Turkiga iyo Wadamo Caraba ku deeqeen Tasoo si toosa loogu adeegsadey Mooshinkii Lagu ridey Raysal wasaare Saacid iyo Mooshinka hada u muuqda inuu dhocisoobey ee ka dhanka ah Raysal wasaare Cabdiwali.
Waxaa kaloo lagu eedeynayaa iney ragaan maja xaabiyeen Qorshihii Geedisocodka ee 2016 ayna khalkhal siyaadeed ka abuureen laamaha Dowliga ah ee Dowlada Federaalka.
Waxaa kaloo lagu eedeynayaa iney ka qaybqaateen hurinta Dagaalo sokeeye oo loo adeegsadey Hubkii loogu deeqey Dowlada Federaalka.
Waxaa kaloo eedeymaha ka mid ah tuhun ah dhinaca taakuleynta Al-shabaab si ay u fushadaan dano gaara.
Xogtaan ay Puntlandi heleen caawa oo sabti ah 8 Nov.2014 ayaa ah mid aan ka helney illo Dublamaadiyadeed.