Muqdisho–8 Nov.2014–Pi– 6dii bishaan Novembar intuusan Madaxweyne Xasan Sheikh uusan u duulin Adis ababa ayaa kulan albaabadu u xiran yihiin waxaa wada galay Madaxweyne Xasan Sheikh, Raysal wasaare Cabdiwali iyo Gudoomiye Jawaari, Kulankasoo daba socdey kulan Gudoomoye Jawaari la qaatey Xubno ka tirsan Beesha Caalamka, loona badinayo inuu Jawaari labada masuul ee kale uu u gudbinayay Fariin ka timid Beesha Caalamka.
Kulanka dhexmaray sadexda Masuul waxaa kasoo baxay Sadex qodob oo ay isla meel dhigeen iskuna afgarteen oo ahaa..
1– In madaxweynuhu intuusan u duulin Adis ababa uu Ayraboorka ku qabto shir jaraa’id oo uu uga hadlayo kulankaan dhexmaray Sadexdooda isla markaasna uu Madaxweynuhu ku saxo warsaxaafadeedkiisii uu kagasoo horjeestey Isku shaandheyntii Raysal wasaaruhu sameeyey,kana noqdo amaradii uu Madaxweynuhu faray wasiirada.
2–In la joojiyo lana hor istaago Mooshinka ka dhanka ah Xukuumada inta Madaxweynuhu kasoo laabanayo shirkii Adis ababa ee IGAD.
3–In Wadahal lagu dhameeyo Khilaafka labada Masuul isla markaasna meesha laga saaro ololaha Siyaasadeysan ee ay wadaan Kooxaha isugu jira Xildhibaano iyo Wasiiro.
Kulankii sadexda Masuul saas ayuu ku dhamaadey waxaana la filayay inuu hordhac u noqdo guul laga gaaro khilaafka Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha LAAKIIN qarax xoogan ayaa ka dambeeyey ka dib markii balan qaadkii iyo heshiiskii lagu wada gaarey kulanka uu Madaxweynu jabiyey.
Madaxweynuhu wuxuu Garoonka ka dhoofey isagoon shirkii Jaraa’id ee lagu heshiiyey uusan qaban, arintaasna waxaa aad uga xumaadey Raysal wasaaraha iyo Beesha Caalamka xubnohoodii joogey Muqdisho oo kulanka waxkasoo abaabuley.
Madaxweyne Xasan wuxuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaar u sheegey in markuu kasoo laabto Adis ababa uu shirka Jaraa’id qaban doono.
Madaxweynahuhu markuu Shalay 7 nov.2014 uu kasoo laabtey Adis ababa waxaa la filayay inuu shir jaraa’id qabto laakiin ma aysan dhicin.
Sida ay Puntlandi xogta ku heleen kulankaas kadib waxaa kulan albaabadu u xiran yihiin wada galay Madaxweynaha iyo Wasiirka ay aadka isugu dhow yihiin Farax Cabsulqaadir waxaana loo badinayaa in kulankaan uu sabab u ahaa inuu Madaxweynuhu uu ka boodo balantii 3 da qodob ee uu lagalay Raysal wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka.
Dhinaca kalana Warar Dublamaasiyadeex oo Howlwadeenada Puntlandi ka heleen Adis ababa, ayaa sheegaya in Safarka Madaxweynaha oo ahaa sadex cisho lasoo gaabiyey waxaana loo aaneynayaa kulamo dhex mari lahaa Madaxweyne Xasan shiikh iyo Dhigyadiisa Kenya iyo Itooboya oo la kansalay lamana ogo kansalidaas iney xiriir la leedahay balan ka bixii Madaxweynuhu ku sameeyey Gudoomiye Jawaari iyo Raysal wasaare Cabdiwali.
Xaalku hada wuxuu u muuqdaa mid aan wanaagsaneyn waxwalba oo la isku dayayna ay socon waydey isla markaasna lagu kala baxayo Baarlamaanka laakiin Beesha Caalamka iyo Raysal wasaaruhu waxay aamin san yihiin in wadada ay ku socdaan xildhibaanadu ay tahay tii uu ka digey Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Nickolay Kay ayna hada waadax tahay iibsiga Xildhibaanada.
Puntlandi.com
Muqdisho/Adis ababa