Ganacsatada Muqdisho ayaa la ogaadey iney Dekada kalasoo dagi jireen hub xili Cunaqabatayn hub saaran tahay Soomaaliya, Dhinaca kalana waxaa soo if baxay in hubka Al-shabaab lagasoo dajin jirey Dekada Muqdisho, Waxaa arimahaan kashifey Ciidanka Shirkad Turki ah oo Dekada æagu wareejiyey maamulkeeda.
Sargaal Turki ah oo Dekada ka shaqeeya wuxuu sheegey in ay maalin walba qabtaan Konteenaro sharci daro ah taasna waxay cadeyneysaa in ay Konteenaradaan si caadi ah ugasoo degi jireen Dekada ka hor intaan Dekada lagu wareejin Shirkada Turkiga ah.
Waxaa cajiib ah in dhowaan ay Turkigu gacanta ku dhigeen Konteenar ay ka buuxaan Tuutaha Ciidanka, Hub iyo Waxyaabaha Qarxa, Waxaana Kobteenarka lahaa Ganacsade layaqaan , waxaana laga Keeney Dalka Shiinaha.
Waxaa la isweydiin jirey meesha Al-shabaab ay ka keenaan hubka iyo Tuutaha Ciidanka iyadoo hada uu Konteenarkaan cadeynayo meesha wax loosoo marin jirey A-shabaab.