Waxaa Madaxtooyada Puntland ka socda shir aan caadi ahayn oo Golaha Wasiiradu ka yeelanayaan Xaalada Gobolka Mudug.
Shirka ayaa waxaa shir Gudoominaya Madaxweynaha Puntland Mudane Gaas.
Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha ciidanka oo iyana shirka goob joog ah ayaa laga dhagaysanayaa Warbixin ku saabsan amaanka Gobolka, iyo saameynta ay ku yeelan karto Puntland shaqaaqooyin laga cabsi qabo iney ka dhacaan Xaafada Baraxley oo maalmahaan ay ka jiraan loolan siyaasadeed oo u dhexeeya labada Nin ee lagu magacaabo Cabdi Qaybdiid iyo Timo Kala jeex oo labaduba sheegta Madaxweynaha Galmudug.
Wasiirka warwaafinta ayaa isna laga dhagaysanayaa warbixin ku saabsan borobogaandada ka imaanaysa Xaafada Baraxley.
Shirka ayaa diirada lagu saarayaa xaalada amaan ee Magaalada Gaalkacyo guud ahaan.
Warmurtiyeed ayaa gabagabada shirka lagasoo saari doona ee kala soco Wasidaha Puntlandi.
Puntlandi
Garowe.