Cabdi Qaybdiid Cawaale ayaa shaley galab waraysi uu siiyey BBC laanta afsomaliga wuxuu sheegey in Dolwda Puntland ka hor istaagtey inuu kasoo dago Gobolka Mudug, isagoo hadalka raaciyey, inuu la hadley Madaxweynaha iyo Madaxweyne Xigeenka Puntland, si xayiraada la saarey looga qaado.
Hadaba Puntlandi ayaa u kuur gashay sheegashadaa Cabdi Qaybdiid.
Hadba Cabdi Qaybdiid ma jirto haba yaraatee cid u diidey inuu kasoo dego Garoonka Cabdullaahi Yusuf International ee Magaalada Gaalkacyo, ama Garoonka uu ka xaarxaartey Tuulada Dagaari, Arintaan ayaa ah Been abuur uu doonayay inuu ku kiciyo shacabka uu sheegto inuu Madaxweynaha u yahay, Way jirtaa inuu la hadley Madaxda Puntland, laakiin waxaa laga wada hadley arimo kale oo aan ahayn kuwa uu BBC-da u sheegey.
Maxaa laga wada hadley.
Sida aan Xogta ku helney Cabdi Qaybdiid wuxuu shalay la hadley Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Injineer C/xakiin C/laahi Cumar Camey, wuxuuna Cabdi Qaybdiid kala hadley Madaxweyne xigeenka sidii Puntland ugu saxiixi lahayd Waraaqo uu sheegey iney u xayiran yahay dhismaha Garoonka Dagaari oo galmudug dooneyso iney dhistaan, ka dib markii lagu xirey iney Ogolaansho ka soo qaataan Puntland, maadaama Meesha laga dhisayo Garoonkaan ay Wax yar u jirto Garoonka Cabdullaahi Yusuf International. “Waxaana jira sharuudo caalami ah oo qeexaya inta ay isu jiri karaan Garoomadu”.
Madaxweyne Xigeenka Puntland wuxuu u sheegey Qaybdiid ineysan suuragal ahayn in Garoonkaas laga dhiso deegaankaas, maadaama uusan buuxin sharuudihii caalamiga ahaa ayna Puntland hortaagneyn dhismihiisa, balse sababta saxiixayaga loogu baahdey ay tahay inaan xaqiijino inta labada Garoon isu jiraan, waxaana xaqiijiney in labada garoon aad isugu dhow yihiin, aysana jirin baahi loo qabo dhismahaas maadaama ay shacabka soomaaliyeed ee u dhow gaalkacyo ay isticmaalaan Garoonka Cabdullaahi Yusuf Inter.
Dhinaca kalena Waxaa naloo xaqiijiyey inuu Cabdi Qaybdiid ka been sheegey markuu yiri Waxaan Teleefoon kula hadley Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, sida aan xogta ku heyno ma jirto Xiriir noocu doonaba ha ahaadee dhex maray Madaxweynaha Dowlada Puntland Mudane Cabdiwali Maxamed Cali gaas iyo Cabdi Qaybdiid.
Arinta muranka dhalisey waa dhismaha Garoonka ay Galmudug dooneyso iney dhistaan, ee ma ahan in Cabdi qaybdiid ama shaqsi kale loo diidey iney kasoo degaan Garoomada.
Halkaan hoose ka dhagayso Beenta Qaawan ee Cabdi Qaybdiid u sheegey BBC Soomaali
Halkaan hoosena ka dhagayso Wasiirka Duulistab hawada Puntland oo ka hadley eedeymaha beenta ah ee Cabdi Qaybdiid