Waxaa Caawa fiidkii Magaalada Garowe lagu diley Cabdirshiid Bulxan Boqor Cismaan Boqor oo ka tirsanaa Hay’ada Wadooyimka Puntland isla markaasna ahaa Qurbo joog reer London ah.
Hotel Towfiiq nawaaxigiisa ayaa lagu diley Marxuumka illaa hadana waxaa socda baaritaan ay wadaan Ciidanka Bileyska iyo kuwa sirdoonku, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey sargaal ka tirsan Bileyska.
Ma jiraan tafaasiil intaas dheer oo sheegaya cida ka dambeysay dilka Marxuumka.
Innaaliliaahi wa innaa illaaheyhu raajucuun
Dhamaan howlwadeenada Puntlandi waxay tacsi u dirayaan Qoyska Reer Bulxan Cismaan Boqor Geerida naxdinta xambaarsan ee ku timid Marxuum Cabdirshiid.
Marxuumkana waxaan illaahay uga baryaynaa Jano waarta iyo Dambi dhaaf.
Aaamiiin Aaasmiiin
PUNTLANDI.COM
GAROWE.