Hor joogaha Xaafada Baraxley Cabdi Qaybdiid oo Dowlada Pubtland ay ilaa amardambe ka manuucdey inuu kasoo dago Gaalkacyo ayaa waraysi uu galabta siiyey BBC laanta afsoomaaliga wuxuu ka been sheegey Xayiraada Puntland saartey.
Cabdi Qaybdiid Waxaa loo diidey inuu Gaalkacyo kasoo dago balse Cidna xayiraad ma aysan saarin Garoonka uu ka xaarxaartey Tuulada Bandiiradley oo ah Barxad ay soo caga dhigtaan Diyaaradaha Qaadka qaada.
Waraysiga wuxuu ku sheegayaa Qaybdiid in Diyaaradaha Rakaabka ay Puntland ugu hanjabtey ineysan ka dagi karin Bandiiradley oo ah meesha uu ku yaalo Garoonkooda Ay isticmaalaan Diyaarada Qaadku laakiin xaqiiqdu waa in Isaga loo diidey inuu kasoo dago Garoonka Cabdullahi Yusuf Internatiobal waxaana lagu wargaliyey Diyaaradaha Rakaabka ineysan soo qaadi karin nin kaas hadey kasoo dagayaan Cabdullaahi Yusuf I ternational Airport.
Dhinaca kalane maba jiraan diyaarado rakaab oo isticmaala Garoonka uu Cabdi qaybdiid uu waraysigaan ku sheegayo.
Dhowaan ayay ahayd markii ina Qaybdiid oo kaashanaya Xasan Sheikh ay sheegeen iney maamul u samaynayaan Gobolada dhexe iyagoo sheegtey Gobolka Mudug inuu ku jiro Maamulkaas.
HOOS KA DHAGAYSO Qaybdiid oo Madaxwayne Gaas ka codsadey inuu ka qaado Xayiraada