Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xog rasmi ah– Xasan Daahir Aweys oo laga codsadey inuu jihaadka kasii wada Deegaanada Puntland iyo Soomaaliland

$
0
0

Gaalkacyo–29 Juun,2013–puntlandi.com– Warar Rasmi ah oo Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Xasan Daahir Aweys uu ku adkeystey inuu sii wadayo jihaadka isla markaasna uusan Wax wada xaajooda la galayn Dowlada, Odoyaal iyo Siyaasiyiin beeshiisa ah oo markii Hore Doonayay iney Xasan Sheikh Muqdisho keenaan ayaa Markay ku guul dareysteen arintaas waxay wada tashi la sameeyeen Saraakiil ka tirsan Villa Soomaaliya, waxaana la isku afgartey Xasan Daahirna laga dhaadhiciyey inuu haduu ku adkaysanayo inuu sii wado Jihaadka uu jihaadka ka leexiyo Koonfurta.

Waxaa talo ahaan la isla gartey in Maadaama Jihaadka dhib badan kasoo gaarey Koonfurta Soomaaliya uu Oday Xasan marakan Jihaadka u wareejiyo Waqooyiga iyo Bariga Soomaaliya oo ah Puntland iyo Soomaaliland, wixii taageero ah oo lagu sagootinayana waa la siinayaa.

Waxaa la isla meel dhigey oo kale in arinta loo ekeysiiyo in Xasan Daahir uu Fakadey oo uu ka baxay Gacanta Ximin iyo Xeeb sidaasna loogu galbiyo buuraha Galgala.

Warar kale oo waxaa jira sheegaya in Arintaan ay Timid ka dib markii laga warheley in Itoobiya iyo Maraykanku ay Cadaadis kusaareen Madaxweyne xasan Sheikh inuu u soo gacan galiso Xasan daahir Aweys, oo Dowlada Federaalku iyagu sheegteen iney Gacanta ku hayaan.

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Puntland ayaa Puntlandi u xaqiijiyey iney iyana hayaan Xogtaan ku saabsan Safarka xasan Daahir loogu dirayo buuraha Galgala.

Puntlandi.com

Gaalkacyo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles