Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Wadahadaladii Jubaland iyo DF oo qodobo la isla meel dhigey, akhriso qodobada

$
0
0

Adis ababa–29 Juun,2013–Pi– Puntlandi ayaa heley Qodobada lagu heshiiyey Wadahadaladii Adis ababa uga socdey Dowlada Federaalka iyo Dowlada Jubaland Qodobadaan oo ka kooban Sadex qodob ayaa la isla gaarey inkastoo markii hore Wadahadaladu ay aad xasaasi u noqdeen oo Qoloba walbaa geed dheer fuuleen.

Dowlada Federaalku waxay soo jeediyeen qodobo u cubtami waayay Dowlada Jubaland kuwasoo aykamid ahaayeen in la badalo magaca Dowlada Jubaland oo loo badalo maamul kumeelgaar ah, iyo golaha Baarlamaanka loo badalo golaha deegaanka, tasoo Maamulka Jubaland ku gacan sayrey.

Aakhirkii Masuuliyiinta Dowlada Federaalka  way soo dabceen waxaana Wadahadaladii kasoo baxay qodobo ay kamid yihiin.

1-In loo wada hadlo dowlada Jubaland ee Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka

2-In la sameeyo Gudi labada dhinac ka socda

3-in Wadahadalku sii socdaan, si deg deg ahna ay u kulmaan labada Gudi

Warar waxaa jira sheegaya in IGAD ay soo kala dhexgaleen labada dhinac markii ay dhowr jeer kala boodeen, aakhirkiina waxaa soo baxay qodobadaan oo labada dhinacba saxiixeen.

Wafdiga Jubaland waxay Caawa (29 Juun,2013) usoo duulayeen Nairobi.

Faahfaahinta warkaan kala soco wararkayaga dambe

Puntlandi.com

Adis ababa

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles