Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin Wararkii ugu Dambeyey Kismaayo iyo Dowlada federaalka oo isku daydey iney soo diraan Diyaarad dhawac qaada

$
0
0

Kismaayo–29 Juun, 2013–Puntlandi.com– Howlgalkii ay saaka bilaabeen Ciidanka Jubaland ayaa goor dhaweyd lasoo afjaray, kasoo sababay dhimashada Labaataneeyo qof oo labada dhinac ah iyo in ka badan 120 Dhawac ah, sida ay Puntlandi u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka Jubaland.

Dagaalkii saaka bilowdey oo duhurnimadii maanta lagu kala baxay ayaa Dhamaan Maleeshiyaadkii hubaysnaa magaalada looga saarey, Waxaana Magaalada si buuxda gacanta ugu haya Ciidanka Jubaland, Waxaana Goor dhaweyd Magaalada la dhexkeeney Ciidan dheeraada oo ilaaliya Xaafadaha si aan dhib loogu gaysan Dadka Rayidka ah ee Maleeshiyaadkii magaalada laga saaray Ehelkooda ah.

Dhinaca kalena Waxaa la baadi goobayaa Kornayl Bare Hiiraale, Baasto iyo Cabdiraxmaan Fiilow ayaa la xaqiijiyey iney isla socdaan oo ay ku dhuumaalaysanayaan Magaalada, waxaana baaritaan xoogan ka socda Xaafadaha lagu tuhun san yahay iney joogaan, dhinaca Xeebaha waxaa la dhigey Ciidan si aan cidna uga bixin dhinacaas.
Guud ahaan Magaaladu way degan tahay hada waxaana Meel walba taagan Ciidan koox koox isula socda, kuwasoo sugaya amaanka Magaalada.

Dhinaca kale Garoonka Diyaaradaha ayaa waxaa ogolaansho soo waydiistey Dowlada Federaalka ah ogolaanshahaasoo ahaa in loo ogolaado iney kasoo degto Garoonka Diyaarad Xamar lagasoo dirayay si ay usoo qaado dhawaca Maleeshiyaadka kasoo horjeedey Ciidanka Jubaland, Balse Masuuliyiinta Jubaland ayaa amar ku bixiyey ineysan Diyaaradas soo caga dhig karin Garoonka, isla markaasna Maamulka Jubaland waxay sheegeen in dhawacyada ka dhashey Dagaalka ay isku si u daweynayaan iyagoon ukala aaba yeeleyn kuwa Ciidanka ah iyo kuwa Maleeshiyaadka Ciidanka kasoo horjeedey ah.

Khasaaraha ka dhashey Dagaalkii Maanta

Khasaaraha saxda ah lama hayo ilaa hada balse Waxaa la Hayaa Dhimashada 21 qof oo 7 Ciidanka Jubaland tahay inta kalena Maleeshiyaadkii kasoo horjeedey Ciidanka yihiin, dhawaca labada dhinac waxay gaarayaan 103 Qof oo 25 yihiin ciidanka Jubaland.

Waxay Ciidanku gacanta ku dhigeen hub fara badan oo ay ku jiraan labo qori oo culus, waxay kaloo gacanta Ciidanku ku dhigeen Idaaco FM ah, Guriga Korneyl Bare Hiiraale waxaa si gaara u illaalinaya Ciidanka mana jiraan Wax dhib ah ama bililiqo ah oo loogeystey Guriga, waxaa sidaas Puntlandi u xaqiijiyey Sargaal ka tirsan Ciidanka.

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com

Puntlandi.com
Kismaayo


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles