Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking News–General Maxamed Abshir Hamaan Xaaskiisii oo Dhawac halisa soo gaarey kadib markii uu Ninkii gurigeeda Xooga ku heystey isku dayay inuu dilo Magaalada Muqdisho

$
0
0

image-c7f1553040298cac8103ad4826cdeacfaccc3cecda6d9d7d97d1583c46b0e1ef-V

Sawirkaan waa Jeneraal Maxamed Abshir oo Xasan Sheikh kusoo booqdey Guriga Jeneraalku ka degan yahay Maraykanka

Warar hada soo gaarey Puntlandi ayaa sheegaya in Xaaska Jeneraal Maxamed Abshir Hamaan oo maalmahaan u dacwooneysay Guryohooda ku yaal Muqdisho uu maanta isku dayay inuu dilo nin Jeneraal ah oo ka tirsan Booliska Muqdisho kasoo xoog ku heystay Guriga Qoyska Jeneraal Maxamed Abshir.

Marwo Faadumo Maxamed Aaden Calbato ayaa ilaa hada ka badbaadey isku daygaas dil laakiin waxaa soo gaaray dhawac culus waxaana la tacaalaya dhakhaatiirta sidii lagu badbaadin lahaa.

Marwada ayaa maalmahaan daba socotey Guryaha ay ku lahaayeen Muqdisho oo xoog lagu dagen yahay nasiib daro guri ka mid ah guryaha oo nin sheegta inuu Jeneraal yahay uu xoog ku heysto ayay khatar u gashey nafteeda. Ninka gurigs heysta wuxuu isku dayay inuu dilo marwada si uu u xalaalaysto gurigeeda.

Guriga La doonayay in loo dilo marwada ayaa ah guri caan ah oo jeneraal Maxamed Abshir Deganaan jirey wuxuuna ku yaalaa Villa Soomaaliya agteeda.

Faahfaahin buuxda naga filo goordhow.

Sawirkaan hoose waa Madaxweyne Xasan Shiekh oo guriga Jeneraal Maxamed Abshir ee Maraykanka ku booqdey Jeneraalka.
Puntlandi
Garowe

Mohamed Abshir Hamaan


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles