Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Jaaliyada Puntland ee Finland oo taageerey go’aankii Madaxweyne Gaas ka qaatey Kooxda Villa Soomaaliya

$
0
0

Ka dib markii ay shir isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee jaaliyadda Puntland ee Finland maanta oo ay taariikhdu tahay 8/08/2014. Jaaliyaddu waxay taageera buuxda siisay go’aankkii Madaxwaynaha iyo dawladiisu ay gaareen taariikhdu markay ahayd 31 July 2014 kuna saabsanaa in xariirka Puntland u goyso dawladda federaalka, ka dib markay xadgudub u gaysteen dhulka Puntland.

Haddanahay jaalliyadda puntland ee Finland waxaan cadaynaynaa inay tahay gaf iyo meel kadhac loo gaystay dhulka iyo shacabka Puntland in faragalin iyo xadgudub aan geed loogu soo gaban lagu sameeyay gobalka mudug oo ka tirsan dawalada Puntland.

Haddaba haddaanahay jaalliyada Puntland ee Finland  waxaan ugu baaqaaynaa dawlada federalka ee somomaaliyeed iyo madaxawane Xasan Sheekh inay ka waantoobaan raaligalin buuxda oo deg deg ahna ay ka bixiyaan go-aankaas khaladan oo aan ku salaysnayn dastuurka federalaka iyo kan Puntland midna.

Waxaan kaloo ugu baaqaaynaa maamulka galmudug ee anu deriska nahay inaysan ku kadsoomin go’aano si khaladan loo gaaray oo wax u dhimaya nabada iyo deriswanaaga ay mudo dheer ku wada noolaayeen shacabka reer Puntland iyo kan galmudug.

Jaalliyadda Punland waxay amaan iyo  bogaadin usoo jeedinaysaa  xildhibaanadii reer Puntland ee uu horkacaayey mudane Xasan Abshir Faarax go-aankii geesinmida lahaa ee ay qaateen ka dib makii ay u hogaansameen amarkii madaxwaynahooda Dr. Cabdiwel Maxamed Cali Gaas

Guntii iyo gebogabadii waxaan ugu baaqaaynaa shacabka reer puntland inay feejignaadaan una midoobaan cidkasta oo isku dayda inay kala qaybiso ama wax u dhimaysa amaankooda iyo jiritaankooda dhul iyo dad ahaaneed..

Mahadsanidiin

Gudoomiya Jaalliyada Puntland ee Finland

Eng.Ibrahim Xasan Caynab


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles