Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Caasimada Puntland oo dhowaan laga bilaabayo dhismaha Wadooyin casri ah(Sawiro)

$
0
0

Garowe– 7 Augs.2014– Pi– Dowlada Puntland ayaa soo bandhigtey qoshayaal cusub oo sare loogu qaadayo bilicda Magaalada Garowe ee caasimada Puntland, Xukuumada Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa horey u balanqaadey iney isbadal muuqda oo soo jiita indhaha shacabka ay ku sameynayaan Caasimada Puntland ee Garowe.

Hawlaha dhismaha Wadooyinka ayaa loo xilsaarey Hay’ada Wadooyinka Puntland oo ah Hay’ad Dowli ah waxaana meesha laga saarey Hay’adihii sida gaarka ahaa loo lahaa ee qandaraasyada lasiin jirey, sargaal Dowlada ka tirsan oo Puntlandi xog siiyey ayaa yir “Waxaa Hay’ada Wadooyinka Puntland loogu dhiibey mashaariicdaan si Dowladu u xaqiijiso in howsha sidii iyo wakhtigii loogu talagalay loo qabtey”

Mashaariicda Waadooyinka waxaa ka mid ahWadooyin laga hirgalinayo magaalada dhexdeeda iyo Wadada isku xirta Madaxtooyada iyo Magaalada oo si casri ah loo dhisayo, Wadada Madaxtooyada ka imaanaysa waxaa loo dhisayaa laba wado oo isfeer socda ayna u dhaxayso dariiq geedo lagu beerayo, labada wado waxaa kala maraya baabuurta isku dhinaca u socda, kharashka wadadaan waxaa bixinaya Dowlada Puntland.

Waxaa iyana la dhisayaa Wadada Garoonka Diyaaradaha iyo magaalada isku xirta oo iyana si casri ah loo dhisayo waxaa kharashka wadada Garoonka Diyaaradaha bixinaya Dalka Japan. Wadooyinka ka imaanaya Madaxtooyada iyo Garoonka Diyaaradaha waxay naqonayaan kuwo casriyaysan oo calaamadaha wadooyinka leh, wado walba waxaa loo dhisayaa nooca labada wado oo isfeer socda, gawaarida u socda Garoonka wado gaara ayay marayaan kuwa ka yimaadana wado gaara waxaana labada wado u dhaxaynaya jandiirooyin geedeysan.

Waxaa kaloo Mashruuca kamid ah Wadooyin iyo Baarkinka gawaarida oo casri ah lagana dhisayo Madaxtooyada dhexdeeda. dhamaan mashaariicdaan wadooyinka waxay bilaabanayaan Sadexda bil ee fooda inagusoo haysa dhexdooda.

Hoos ka daawo bilicda Garowe

pi 5
pi 1 pi 2 pi 7

Labada Sawir ee hoose waa Raynabowd iyo Wado dhowaan la dhisey
pi 4pi 6pi 3


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles